{"id":24380,"date":"2016-07-24T01:31:16","date_gmt":"2016-07-23T23:31:16","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=24380"},"modified":"2016-07-24T01:34:53","modified_gmt":"2016-07-23T23:34:53","slug":"sawirro-madaxweynaha-iyo-rwasaaraha-oo-qaabilay-wufuud-kala-duwan","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=24380","title":{"rendered":"Sawirro: Madaxweynaha iyo R\/wasaaraha oo qaabilay wufuud kala duwan"},"content":{"rendered":"<p>24 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS\u00a0Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra\u2019iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley wufuud kala duwan oo ka kala soctay caalamka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa qaabilay Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo dhowaan xilkaasi loo magacaabey.<\/p>\n<p>Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha u sheegay in General Subagle uu yahay sarkaal khibrad badan leh oo hawsha loo magacaabey si hufan uga soo dhalaali kara.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gacan buuxda ku siin doonto General Subagle gudashada waajibaadkiisa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo.<\/p>\n<p>Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go\u2019an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha ay kulan la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.<\/p>\n<p>Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311269\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/e6517c76-f676-4a01-a2e6-5ca86a4917b7.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/e6517c76-f676-4a01-a2e6-5ca86a4917b7-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/e6517c76-f676-4a01-a2e6-5ca86a4917b7.jpg 640w\" alt=\"e6517c76-f676-4a01-a2e6-5ca86a4917b7\" width=\"640\" height=\"427\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311268\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/624cfef4-54f2-43db-b17b-f9bc1c4d975e.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/624cfef4-54f2-43db-b17b-f9bc1c4d975e-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/624cfef4-54f2-43db-b17b-f9bc1c4d975e.jpg 640w\" alt=\"624cfef4-54f2-43db-b17b-f9bc1c4d975e\" width=\"640\" height=\"427\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311267\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/3afcebbc-5b87-49aa-b26e-8d4485b2308f-1.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/3afcebbc-5b87-49aa-b26e-8d4485b2308f-1-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/3afcebbc-5b87-49aa-b26e-8d4485b2308f-1.jpg 640w\" alt=\"3afcebbc-5b87-49aa-b26e-8d4485b2308f\" width=\"640\" height=\"480\" \/><\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>24 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS\u00a0Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra\u2019iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24381,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-24380","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1248,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24380","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=24380"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24380\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24386,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24380\/revisions\/24386"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/24381"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=24380"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=24380"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=24380"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}