{"id":24707,"date":"2016-07-30T14:05:29","date_gmt":"2016-07-30T12:05:29","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=24707"},"modified":"2016-07-30T14:05:29","modified_gmt":"2016-07-30T12:05:29","slug":"sawirro-danjiraha-turkiga-oo-hadlay-shaqadii-heyadda-nile-ee-muqdisho-baasaboorka-somaliland-somaliland-oo-aan-joojin-howlihii-heyadda-nile","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=24707","title":{"rendered":"Sawirro: Danjiraha Turkiga oo hadlay Shaqadii hey\u2019adda Nile ee Muqdisho, Baasaboorka Somaliland &#038; Somaliland oo aan joojin howlihii hey\u2019adda Nile"},"content":{"rendered":"<p>30 July 2016 (Puntlandes) Dowladda Turkiga ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen walaalooda Turkiga kaddib inqilaabkii dhicisoobay ee laba todobaad ka hor ka dhacay dalkaasi.<\/p>\n<p>Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay go\u2019aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey\u2019adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in dugsiyadii waxbarashada ee ay maamuli jirtay hey\u2019adda Nile dib loo furi doono bisha Augost, isagoo ugu laabqaboojiyay ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaasi ineysan ka welwelin waxbarashadooda.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bukaannada ku jira Isbitaalka Deva loo wareejiyay isbitaalka \u00a0Rajeb Dayip Erdogan Ex Digfeer, wuxuuna ballanqaaday in dhawaan dib loo howlgelindoono Isbitaalka Deva.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal\u201d ayuu yiri Danjire \u00a0Olgan Bekar.<\/p>\n<h3>Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliland<\/h3>\n<p>Danjiraha ayaa soo hadalqaaday dadaallada ay dowladdiisu ugu jirto iney miradhal noqdaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah\u201d ayuu yiri Danjiraha Turkiga.<\/p>\n<p>Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa cadeeyey in Shacabka Somaliland aysan ku gelin dalka Turkiya Baasaboorka Soomaaliya, ee ay ku galaan Baasaboorka Soomaaliland marka wax micno ah ma samaynayso haddii ay Fiisaha saaraan\u00a0Baasaboorka Soomaaliland iyo haddii ay siiyaan dadka u safraya wadankooda warqad ay dhex gashanayaan\u00a0Baasaboorka Soomaaliland.<\/p>\n<p>Danjirahu marna ma uusan sheegin in shacabka Somaliland ay dalka Turkiya ku galaan\u00a0Baasaboorka Soomaaliya kaasoo ah kan kaliya ee qofka Soomaaliga ahi dibadda ugu Safro.<\/p>\n<h3>Soomaaliland oo aan fulin codsigii dawlada Turkiga ee Shaqo\u00a0joojinta hey\u2019adda Nile<\/h3>\n<p>Wuxuu tibaaxay in maamulka Soomaaliland ay ka codsadeen iney joojiyaan howlihii hey\u2019adda Nile ay ka heysay halkaasi, isagoo caddeeyay ineysan weli ka helin wax jawaab ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311881\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2592.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2592-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2592.jpg 640w\" alt=\"DSCN2592\" width=\"640\" height=\"480\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311880\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2590.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2590-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2590.jpg 640w\" alt=\"DSCN2590\" width=\"640\" height=\"480\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311879\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2587.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2587-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2587.jpg 640w\" alt=\"DSCN2587\" width=\"640\" height=\"480\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311878\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2583.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2583-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2583.jpg 640w\" alt=\"DSCN2583\" width=\"640\" height=\"480\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-311877\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2578.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2578-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/DSCN2578.jpg 640w\" alt=\"DSCN2578\" width=\"640\" height=\"480\" \/><\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>30 July 2016 (Puntlandes) Dowladda Turkiga ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24708,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-24707","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1335,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24707","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=24707"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24707\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":24709,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/24707\/revisions\/24709"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/24708"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=24707"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=24707"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=24707"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}