{"id":27385,"date":"2016-09-21T13:06:11","date_gmt":"2016-09-21T11:06:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=27385"},"modified":"2016-09-21T13:06:24","modified_gmt":"2016-09-21T11:06:24","slug":"guddiga-doorashooyinka-dadban-ee-puntland-oo-warmurtiyeedka-ka-soo-saaray-qoondada-haweenka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=27385","title":{"rendered":"Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland oo Warmurtiyeedka Ka soo saaray Qoondada Haweenka"},"content":{"rendered":"<div id=\"attachment_248534\" class=\"wp-caption aligncenter\" style=\"width: 476px;\">\n<p class=\"wp-caption-text\" style=\"text-align: center;\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-27386\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b.png\" alt=\"231-2b\" width=\"466\" height=\"262\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b.png 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b-300x169.png 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b-768x432.png 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b-292x164.png 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b-638x359.png 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b-400x225.png 400w\" sizes=\"auto, (max-width: 466px) 100vw, 466px\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"wp-caption-text\" style=\"text-align: center;\"><strong>Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Puntland<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<p>Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) oo maanta shir Jaraa\u2019id ku Qabtay ku magaaladda Garowe ayaa \u00a0ugu baaqay isimadda saxiixayaasa ah iyo cuqaasha soo xulayo xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka federaalka inay u hoggaasamaan go\u2019aamadii madasha hoggaanka qaran ee xaqiijinta qoondada haweenka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha \u00a0Guddiga, nabadoon khaliif Aw-cali, Saynab Ugaas Yaasiin iyo Faadumo Cabdi warsame oo xubno ka ah guddiga \u00a0oo shirka jaraa\u2019id ku qabtay xarunta PDRC ee Garowe ayaa\u00a0 sheegay\u00a0 in beelihii diida \u00a0qoondada kursiga haweenka in la laali doono , go\u2019aana ay ka qaadan doonaan xubintaas, guddiga iyo dowlad goboleedka ay doorashadu ka dhacayso.<\/p>\n<p>Guddigu waxay sheegeen in beeshii gollaha shacabka ku leh saddex kursi(3) waa in midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ay ku tartamaan, waxay kaloo sheegeen in beeshii 12 kursi ku leh aqalka hoose laga doonayo 4\u00a0 gabdhood<\/p>\n<p>\u201c Beelaha kale oo bah ahaan isugu xiga waxaa kuraastooda la isugu celinayaaa sida ay isugu xigaan oo ay isu leeyihiinm ka dibna saddexii kursiba waxaa laga doonayaa in laga soo saaro hal kursi oo ay haweenka kaliya ku tartamaan\u201d Sidaas waxaa lagu sheegay warsaxafeedkii guddiga Doorashadda.<\/p>\n<p>\u201c Beelihii diida soo bandhigidda kursiga haweenka, kuraasta beelahaasi\u00a0 waa la laalayaa ilaa iyo inta GDGHDD iyo dowlad Goboleedku ay go\u2019aan kama dambays ah ka gaarayaan Kursigaas\u201d\u00a0 ayuu guddigu sii raaciiyay hadalkoodii<\/p>\n<p>Guddigu waxay kaloo shirka jaraa\u2019id kaga hadleen qoondada haweenka ee Aqalka Sare, waxay ugu baaqeen dowlad goboleed kasta inay xaqiijiyaan qoondada 30% ee kuraasta ay si xor ah ugu tartamaan gabdhaha kaliya.<\/p>\n<p>Gabagabadii, guddiga doorashooyinka heer Puntland waxay soo jeediyeen si looga fogaado laalista kuraasta iyo caqabad ku timaada waqtiga doorashooyinka in beelkasti ay soo bandhigto kuraasta gaarka ah ee haweenka loo asteeyay.<\/p>\n<p>Arrintu siday doonto ha ahaatee, hirgalinta \u00a0doorashadda labada Aqalka ee barlamaanka, doorashadda guddoomiyaha Barlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya \u00a0waxaa ka harsan Afartan Maalmood oo kaliya, waxayna guddigu walaac ka muujiyeen in waqtigu is riixayo oo loo baahan yahay in beeluhu soo dhamaystiraan xubnaha 51ka ee dooranaya xildhibaanadda.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Puntland Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) oo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27386,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-27385","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1151,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27385","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=27385"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27385\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27388,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27385\/revisions\/27388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/27386"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=27385"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=27385"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=27385"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}