{"id":27920,"date":"2016-10-03T14:39:36","date_gmt":"2016-10-03T12:39:36","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=27920"},"modified":"2016-10-03T14:40:06","modified_gmt":"2016-10-03T12:40:06","slug":"guddiga-doorashooyinka-oo-war-ka-soo-saaray-iftiiminta-goobta-doorashada-hiiraan-iyo-shdhexe","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=27920","title":{"rendered":"Guddiga Doorashooyinka oo War ka soo saaray Iftiiminta goobta Doorashada Hiiraan &#038; Sh\/Dhexe"},"content":{"rendered":"<p>3 ojt 2016 (Punttlandes) War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Dadban ee Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka sugayaan go\u2019aan ka gaarista\u00a0goobta ay ka dhaceyso doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Hanaanka soo magacaabida doorshada xubnaha Aqalka sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Guddiga oo horay go,aan uga gaaran in Muqdisho lagu qabanayo Doorashada labadaas gobol ayaa iminka u muuqda inuu ka noqday go,aankaasi.<\/p>\n<p>Waxaa xusid mudan in go,aankii guddiga ee hore ay si isku mid ah uga horyimaadeen RW Cumar iyo odoyaasha gobolka hiiraan.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-27412\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6.jpg\" alt=\"231-2b6\" width=\"1024\" height=\"310\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6-300x91.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6-768x233.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6-292x88.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/231-2b6-638x193.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Warsaxaafadeed: Iftiimin Goobta Doorashada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe\u00a0<\/strong><br \/>\nAnnaga oo xaqiijineyna xilka iyo waajibka GFHDD ee ku xusan qodobka 6aad xeerka lagu dhisay guddiga oo qeexaya \u201cGuddiga GFHDD wuxuu mas\u2019uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo\u201d, ayaan xoogga saarnay sidii loo hubin lahaa sidii ay dalka si isku mid ah uga hirgali laheyd doorashada dadban isla markaana si isku mar ah u dhacdo. Annaga oo hubineyna in aanu ka hortagno caqabadaha keeni kara dib u dhac iyo habacsanaan ku timmaada qorshaha doorashooyinka dadban ayaan qaadnay talaabada uu na farayo xeerka lagu soo dhisay GFHDD qodobkiisa 8aad oo qeexaysa \u201cIn aan MHQ wargalin joogta ah siinno iyo in aan waydiisanno hagid siyaasadeed ama go\u2019aanno siyaasadeed marka loo baahdo si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashadu uu guud ahaan u noqdo mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay\u201d.<\/p>\n<p>Haddaba GFHDD oo ogsoon xaqiiqda ah in tilmaamid la\u2019aanta deegaanka doorasho ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaan qoraal rasmi ah u gudbinay MHQ oo ku taariikheysneyd 5tii bisha Sebtember 2016 oo aanu uga codsanay MHQ:\u201cHiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in Madashu Go\u2019aan ka gaarto deegaanka lagu qabanayo doorashadooda ka hor 13 Seb 2016\u201d.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale qoraalka hoosta uga xariiqnay in haddii go\u2019aan siyaasadeed oo lagu xallinayo arrimaha tiirarka ah oo ay arrinta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu weyn tahay degdeg loo qaadi waayo ay keeneyso dib u dhac iyo habacsanaan ku timaadda jadwalka iyo qorshaha doorashooyinka dadban.<\/p>\n<p>Warmurtiyeedkii MHQ 6-12 Sebteembar 2016 hagid siyaasadeed oo lagu tilmaamayo deegaanka lagu qabanayo doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe nalaguma siin. Hase ahaatee, waxaa warmurtiyeedka ku xusan in Xukuumadda Federaalku go\u2019aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha la xiriira doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>GFHDD asagoo gudanaya xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku qeexan xeerka lagu dhisay ee na faraya la shaqaynta odayaasha 135ta ayaa taariikhdu markey aheyd 25\/09\/16, fududeeynay kulan dhexmaray madax dhaqameedyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka soo qeyb galeen 16 oday oo ka mid ah 17-ka oday dhaqameed ee labada gobol. Wadahadalka madax-dhaqameedyada, waxay isla qaateen aragti qeexaysa inay raalli isugu yihiin in doorashada xildhibaaannada labada gobol ka dhacdo magaalada Muqdisho oo ay u arkaan goob dhexdhexaad ah.<\/p>\n<p>Guddiga GFHDD ka dib markuu dhagaystay afkaartii odayaasha dhaqanka ee kulankaas joogay waxuu guddigu la wadaagay MHQ iyo dadweynaha Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Sidaa awgeed guddiga GFHDD wuxuu mar kale caddeynayaa inuusan go\u2019aan ka gaarin goobta doorasho ee gobollada ujeedada ku xusan, balse ay ahayd aragti oday dhaqameedyadu ku cabbireen kulanka aan kor ku soo xusnay.<\/p>\n<p>Iyadoo jadwalka doorashooyinka dadban uu mar kale ciriiri sii galayo, sida uu tilmaamayo warmurtiyeedkii MHQ ee 6-12 September, ka go\u2019aan gaarista arrimaha doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay MHQ u xilsaartay Xukuumadda Federaalka ah. Haddaba si GFHDD u guto xilkiisa iyo waajibkiisa kor ku xusan ee xaqiijinta in doorashooyinku si isku mid ah dalka uga dhacdo, waxaan si degdeg ah Xukuumadda Federaalka uga sugaynaa:<\/p>\n<p>1. Ka go\u2019aan gaarista goobta ay ka dhacayso doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe;<\/p>\n<p>2. Hannaanka soo magacaabidda iyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in go\u2019aan ka gaarista la\u2019aanta arrimaha siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Somaliland aan laga gaarin go\u2019aanno lagu xalliyo in ay mar kale sabab u noqon karto habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dadban, iyadoo mas\u2019uuliyadeedu yeelan doonin GFHDD.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, wuxuu GFHDD u xaqiijinayaa in talaabooyin wax ku ool ah laga gaaray hirgelinta doorashooyinka dadban, taas oo lagu gaaray dadaalladii sida wadajirka ah ay u qaadeen guddiyada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed oo kaashanaya DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, MHQ, iyo saaxiibada beesha Caalamka. waxa soo muuqata gaarista himilada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku dooranayaan mas\u2019uuliyiinTa hoggaamin lahaa siyaasadda dalka.<br \/>\nWuxuu GFHDD uga mahadcelinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuna ammaanayaa sida ay u garab taagan yihiin guddiyada doorashooyinka dadaallada ay ku hirgelinayaan qorshaha doorashada dadban ee 2016<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>3 ojt 2016 (Punttlandes) War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Dadban ee Federaalka Soomaaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27412,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-27920","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1208,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27920","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=27920"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27920\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27922,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/27920\/revisions\/27922"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/27412"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=27920"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=27920"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=27920"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}