{"id":28927,"date":"2016-10-20T22:08:53","date_gmt":"2016-10-20T20:08:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=28927"},"modified":"2016-10-20T22:08:53","modified_gmt":"2016-10-20T20:08:53","slug":"wax-ka-ogow-xasan-sheikh-sidee-madaxwayne-ku-noqdaygoormuuse-noqday","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=28927","title":{"rendered":"Wax ka ogow: Xasan Sheikh sidee Madaxwayne ku noqday,goormuuse noqday?"},"content":{"rendered":"<p>Sanadkii 1987dii,\u00a0 ayaa nin la yiraahdo\u00a0 Cabdi-Daahir Diiriye oo kasoo jeeda beesha Abgaal,\u00a0dowladdu\u00a0 waxbarasho\u00a0 Ameerika\u00a0 ugu dirtay. 1991dii, ayuu\u00a0ka soo qalin jebiyey dalkaas, wuxuuna soo bartay\u00a0 Cilmiga\u00a0 siyaasadda(Political\u00a0\u00a0 Science).\u00a0 Waxaa kulmay isagoo Nairoobi\u00a0 yimid iyo dagaalkii\u00a0fitnada ahaa\u00a0 ee 1991kii.\u00a0 Cabdi-Daahir wuxuu\u00a0 ku negaadey\u00a0 Nairoobi,\u00a0wuxuuna muddo ka dib\u00a0 halkaas\u00a0 ka furay\u00a0 urur uu ku magacaabay Sama-fal.<\/p>\n<p>Xafiiskiisa gabar aanan magaceeda hayn, ayuu shaqaale uga dhigay.\u00a0Cabdi-Daahir, gaari ma lahayn, balse wuxuu\u00a0 ku shaqeysan jirey mid uu leeyahay \u00a0wiil Soomaali Keenyaan ah \u00a0oo aanan magaciisa sheegayn kaas oo uu ka\u00a0 ijaarto markuu u baahdo, wuxuuna siiyaa lacag u dhiganta 200, oo doollar.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/231-7b.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-28928\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/231-7b.jpg\" alt=\"231-7b\" width=\"586\" height=\"330\" \/><\/a><\/p>\n<p>Cabdi-Daahir, waxay is-barteen\u00a0 Xasan Sheikh oo isna lahaa urur\u00a0 samo- fal\u00a0iyo Cabdul-Qaadir Yaxye,\u00a0 (Murursade) waa ninkii Maxkamaduhu habeen Muqdisho gurigiisa ku dileen ka dibna baarteen kombiyuutarka. Saddexdaas\u00a0 nin waxay basaasiin\u00a0 u ahaayeen\u00a0\u00a0 urur\u00a0 qalaad oo sir-doon ah, waxayna ka qaadan jireen lacag aanan\u00a0 tiradeeda hayn. Ciidmadadii Maraykanka oo Muqdisho soo galay, Cabdi-Daahir af-celiye bay u soo kaxaysteen\u00a0 markay\u00a0bexeenna waa ka yar dambeeyey.<\/p>\n<p>Maalin goor barqadii ah,Cabdi-Daahir, wiilkii ayuu\u00a0 u yeeray, wuxuuna ka codsaday inuusan caawa seexan markuu doonana\u00a0 diyaar\u00a0 u yahay, wuxuuna\u00a0u dhiibey buqshad aan xirnayn.\u00a0 Wiilkii oo ka tegey buqshaddii, ayuu furay,\u00a0mise waxaa ugu jira\u00a0 1,000 \u00a0doollar.\u00a0 Isaga oo farxay\u00a0 markiiba suuqa ayuu ku orday\u00a0 kana soo iibsadey \u00a0Qaad (Jaat)\u00a0 heeganna\u00a0 soo jeed u galay \u00a0ilaa caawa.<\/p>\n<p>Waqtigaasi wuxuu ku beegnaa\u00a0 markii\u00a0 Sheikh Axmed,\u00a0 Sheikh\u00a0 Xasan\u00a0iyo Cali Gaas\u00a0 maamulka hayeen oo iyagoo\u00a0 is-khilaafay \u00a0Kambala (Ugaandha)\u00a0dhexdhexaadinta\u00a0 loogu diray, lana siiyey Road\u00a0 mapka.<\/p>\n<p>Saqdii\u00a0 dhexe wax yar ka dib,\u00a0 wiilkii Cabdi-Daahir, ayaa soo wacay, wuxuuna ugu yimid\u00a0 xafiiskiisa.\u00a0 Cabdi Daahir,teleefoon ayuu qabsaday, isagoo ku hadlaya\u00a0 afka Ingiriisiga,wuxuuna\u00a0\u00a0 yiri, \u201c\u00a0 Diyaar baan ahaye, xaggee\u00a0 idiin ku\u00a0imaadaa?\u201d<\/p>\n<p>Waxaa loogu jawaabey xafiiska noogu\u00a0 imoow\u00a0 teleefoon baan kugu hagaynaaye. Wiilkii gaarigii, ayuu sii waday, wuxuuna gees maray\u00a0 suuqa la yiraahdo (West\u00a0 Gete oo waa dhexdaas ah qarxiyeen nimanka \u00a0afka duuban.<\/p>\n<p>Socod dheer ka dib, wiilkii\u00a0 wuxuu gaarigii\u00a0 soo hor taagey\u00a0 dhisme aad\u00a0u baaxad weyn, waxaana hor taagan\u00a0 saddex nin caddaan ah kuwaasoo\u00a0 gashan dharkaan rasaastu\u00a0 karin, waxaana afar ku ah\u00a0 ey\u00a0 askeri ah xoogna weyn.<\/p>\n<p>Gaarigii gudaha, ayaa la geliyey, waxaana ka soo degey\u00a0 Cabdi-Daahir, waxaana\u00a0si diiran\u00a0 u soo dhoweeyey\u00a0 niman xafiis ka soo baxay.\u00a0 Wiilkii oo gaarigii ka degtey waa la baaray\u00a0 gaarigiina eygii ayaa baaray.\u00a0 Cabdi-Daahir, gudaha ayaa\u00a0lageliyey ,wiilkiina waxaa loo tilmaamay inuu galo\u00a0 albaab riixan waxna ka cuno. Hadduu galay, waa\u00a0 qol aad u weyn, waxaana safan\u00a0 miisado korkoodana waxaa ka buuxa\u00a0 raashin iyo cabbitaanka fudud. Meel gadaale waxaa fadhiya\u00a0nin dhallin\u00a0 yar Keenyaan ah. Wiilkii oo cabbitaan qaatay, wuxuu u tegey kii\u00a0fadhiyey wuuna salaamay ka dibna ku yiri,<\/p>\n<p>\u201cMeeshaan maxay tahay?\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu\u00a0 ugu jawaabey,\u201dSow Nairoobi\u00a0 ma deganid?\u201d<\/p>\n<p>\u201cHaa, waan deganahay.\u201d<\/p>\n<p>\u201cHaddaas\u00a0 sidee meeshaan u garanweydey?\u201d<\/p>\n<p>\u201cHadda ka hor ma arag.\u201d<\/p>\n<p>\u201cMeeshaan waa xafiiska\u00a0 sirta\u00a0 Adduunkoo dhan looga taliyo.\u201d<\/p>\n<p>Cabbaar ka dib, waxaa\u00a0\u00a0 dibadda ka soo galay\u00a0 Xasan Sheikh waana\u00a0la soo dhoweeyey\u00a0 gudahana la geliyey.\u00a0 Haddana cabbaar\u00a0 ka dib,\u00a0waxaa\u00a0 soo galay\u00a0 Jawaari. Markii loo soo baxay\u00a0 in gudaha la geliyo\u00a0wuxuu daartay xabbad sigaar ah. markaas ka dibna waxa soo galay\u00a0nin kale oo Soomaali ah.\u00a0 Wiilku\u00a0 Xasan Sheikh\u00a0 iyo Jawaari waa\u00a0yiqiiney mase aqoon ninka dambe.\u00a0 Keenyaanka\u00a0 iyo wiilka sheekaa\u00a0dhex martay, wuxuuna sheegay\u00a0 Keenyaanku\u00a0 in halkaan caawa lagu\u00a0diyaarinayo\u00a0 madaxweynihii Soomaaliya\u00a0 Sheikh Axmed\u00a0 ka dib.<\/p>\n<p>Bishii Setember\u00a0 2012kii, iyadoo lagu jiro\u00a0 tartankii doorashada madaxweynaha,\u00a0Xasan Sh, xaaskiisa oo Nairoobi\u00a0 guri ka deganaa, waa laga saaray, waxaana\u00a0la geeyey guri dowladeed waxaana la saaray\u00a0 gaar.<\/p>\n<p>Xasan Sh, oo sano ku dhowaad\u00a0 xilka hayey\u00a0 welina\u00a0 wax ka qaban\u00a0wixii loo idmay, Hilleri\u00a0 Kiliton\u00a0 oo\u00a0 markaas ahayd wasiirka arrimaha dibadda\u00a0ee Maraykanka, Xasan Sh waxay ku dartay boqolka\u00a0 qof oo Adduunka\u00a0ugu hawl karsan.\u00a0 Waxaan la yaabanahay maxay ku jawaabi lahayd haddii\u00a0la waydiiyo wuxuu dalkiisa u qabtay.\u00a0 Halkaas waxaa\u00a0 ka muuqata\u00a0 in Xasan\u00a0Sh\u00a0 dad kale u adeego.<\/p>\n<p>Afar sano, ayaa Xasan Sh Soomaaliya ka lumiyey\u00a0 maantana wuxu\u00a0 u tartamayaa\u00a0 inuu mar labaad madaxweyne\u00a0 noqdo lacagna adeegsado\u00a0 waxqabad la\u2019aanna\u00a0 kursiga isaga fadhiyo \u00a0keliya magac ahaan.\u00a0 Haddii taasi mar labaad dhacdana, waa guul darro Soomaaliya u soo hoyatey\u00a0 iyo dib u dhac hor\u00a0Leh.<\/p>\n<p>Xusuus hadalkii Amiin Caamir\u00a0 markuu yiri,\u201dDoorashada\u00a0 Xassan Sheikh la doortay,waa afar sano oo Soomaaliya ka luntay\u201d.\u00a0Soomaaliyeey afar sano oo kale ha iska luminina.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Australia,\u00a0 Vic\u00a0 state Victoria, Melbourne.<\/p>\n<p>20\/10\/2016.<\/p>\n<p><strong>Qormadaan\u00a0 waxaa diyaariye\u00a0 Cabdi Aaden<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sanadkii 1987dii,\u00a0 ayaa nin la yiraahdo\u00a0 Cabdi-Daahir Diiriye oo kasoo jeeda beesha Abgaal,\u00a0dowladdu\u00a0 waxbarasho\u00a0 Ameerika\u00a0&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-28927","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":2066,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/28927","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=28927"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/28927\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28929,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/28927\/revisions\/28929"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=28927"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=28927"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=28927"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}