{"id":30488,"date":"2016-11-16T19:02:20","date_gmt":"2016-11-16T18:02:20","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=30488"},"modified":"2016-11-16T19:03:18","modified_gmt":"2016-11-16T18:03:18","slug":"beesha-caalamka-oo-la-kulantay-madax-sare-oo-ka-kala-socota-dhinacyada-isku-haya-colaadda-gaalkacyo-uguna-baaqday-madaxwayne-gaas-iyo-madaxwayne-guuleed-inay-dhaqangeliyaan-xabbad-joojinta-lagu-hesh","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=30488","title":{"rendered":"Akhriso Beesha Caalamka oo war kasoo saartay colaadda Gaalkacyo"},"content":{"rendered":"<h3><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/169c.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-30271 aligncenter\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/169c.jpg\" alt=\"169c\" width=\"300\" height=\"291\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/169c.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/169c-50x50.jpg 50w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/169c-292x283.jpg 292w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/h3>\n<h3>Beesha Caalamka oo la kulantay madax sare oo ka kala socota dhinacyada isku haya colaadda Gaalkacyo, uguna baaqday Madaxwayne Gaas iyo Madaxwayne Guuleed inay dhaqangeliyaan xabbad joojinta lagu heshiiyay<\/h3>\n<p>Gaalkacyo, 16 Nofembar 2016 \u2013 Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali \u201cGaas\u201d iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada lagu muransanyahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra\u2019iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.<\/p>\n<p>Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.<\/p>\n<p>Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta.<\/p>\n<p>Nabad aan xoog lahayn ayaa ka jirtay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda toddobaadkii tagay. Waxaa la sameeyay guddi wadajir ah oo ka kooban 18 xubnood si ay ula socdaan hirgelinta xabbadjoojinta, wadahalkuna hadda wuu socdaa, si la isugu afgarto hab dibuheshiisiin.<\/p>\n<p>Wadahadallo qotodheer, oo uu horkacayo Ra\u2019iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa u socda madaxweynayaasha labada dowlad goboleed, <strong>si ay ugu heshiiyaan arimaha asaaska u ah in labada ciidan la kala qaado iyo hanaan lagu hirgeliyo laguna hubiyo xabbad joojinta.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cHanaan xabbad joojin iyo kala qaadidda labada ciidan ayaa muhim u ah xallinta colaadda\u201d ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating.<\/strong> \u201cCidna wax ka dheefi mayso in dagaal dib u billowdo, shacabka ku nool magaalda, dadka ku nool degaanada deriska ah, dadka barakacayaasha ah, carruurta iyo ganacsatada intuba waxaa soo gaaraya dhibaato dheeraad ah. Cidda keliya ee ka macaashaysa dagaal dib u billowda waa qaswadayaasha xagjirka ah. <strong>Waxaa loo baahanyahay xabbad joojin si loo yeesho wadahadal lagu xalliyo arrimaha salka u ah colaadda, wadahadalkaasoo ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ay horseed ka yihiin madaxda degaanka, bulshada rayidka iyo ganacsatada, iyo weliba heer qaran.\u201d<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beesha Caalamka oo la kulantay madax sare oo ka kala socota dhinacyada isku haya colaadda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":30271,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-30488","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1936,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/30488","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=30488"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/30488\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30491,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/30488\/revisions\/30491"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=30488"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=30488"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=30488"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}