{"id":33472,"date":"2017-01-05T18:03:11","date_gmt":"2017-01-05T17:03:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=33472"},"modified":"2017-01-05T18:04:41","modified_gmt":"2017-01-05T17:04:41","slug":"senator-oo-ah-eray-qalaad-ma-u-heli-karnaa-eraybixin-af-soomaali-asal-ah-oo-ku-habboon","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=33472","title":{"rendered":"&#8221;SENATOR&#8221; oo ah eray qalaad ma u heli karnaa eraybixin af-Soomaali asal ah oo ku habboon?"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-33473 aligncenter\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6.jpg\" alt=\"233-5c6\" width=\"602\" height=\"451\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6.jpg 2048w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-768x576.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-1024x768.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 602px) 100vw, 602px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Jaalle\u00a0<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/deeq.awxirsi\" data-hovercard=\"\/ajax\/hovercard\/user.php?id=100000709844369\" data-hovercard-prefer-more-content-show=\"1\">Deeq Aw Hersi Hussein<\/a>\u00a0ayaa i soo weyddiiyay bal in aan eraybixin wanaagsan u raadin karo erayga magaca ah ee dhawaan shaqada billaabay ee &#8221;Senator&#8221; si af Soomaali ku saxan loogu helo; anigu na aan abaalmarin dahab ah ugu guulaysto. Sidan ayaan iri ee fadlan, waa codsi e ila qaata, ila qaada oo ila faafiya. Ha i hagranina haddii aan guulaysto meel idin ka fog wax gayn mayo ee.<\/p>\n<p>[Qormooyinkii hore ee inoo socday iyana waa aan sii wadayaa ee ka walwal la&#8217;aada inshaa Allaah].<\/p>\n<p>Asalkeeda ba, erayga &#8221;Senator&#8221; waa Laatiin asal ahaan waxa uu na ka sinji qabaa oo ka soo jeedaa Roomaankii hore. Waxa uu soo maray dhawr waji sida, &#8221;Senex, Senat iyo senatus&#8221; oo ay ku micnayn jireen &#8221;the elder&#8221;, &#8221;the old one&#8221;, iyo &#8221;old man&#8221; oo &#8221;oday&#8221; ama &#8221;duq&#8221; ah.<\/p>\n<p>Dhawaanahan ayaa magacii is baddalay oo sawir la is la yaqaan iyo micne fadhiya yeeshay. Casrigan waxaa lagu micneeyaa &#8221;Assembly of elders&#8221; oo ah &#8221;Gole Guurti&#8221;.<\/p>\n<p>Dawladaha sidan dambe u adeegsada ee dhaqan galiyay waxaa ka mid ah ugu na caansan dawladda Maraykanka (USA), Faransa, Itaaliya, Kanada, Ireland, Koonfur Afrika, iyo Australia.<\/p>\n<p>Waa aqalka sare ee baarlamaanka waddamadaas kuwaas oo ah gole dawladda kala taliya arrimaha masiiriga ah, go&#8217;aan baaxad leh na gaari kara.<\/p>\n<p>Dhawaan ayuu nidaamkani dalkeena ka hirgalay, sidaas darteed, waxaa la ma huraan noqotay in magacan &#8221;Senator&#8221; eraybixin cuddoon oo afkeena ah loo helo. Hadda ba, waxa aan u dooray eraygan sare eray af Soomaali ah oo ku habboon -waa &#8221;Samatar&#8221;!<\/p>\n<p>&#8221;SENATOR&#8221; = SAMATAR<\/p>\n<p>&#8221;Samatar&#8221; asal ahaan waa eray dhaqankii miyigeena ka yimid sida &#8221;Mudane&#8221; oo kale. &#8221;Mudane&#8221; waxaa la oran jiray &#8221;ninka reerka leh ee aan la la wadaagin go&#8217;aanka reerka, gasabka ugu sarreeya, gogosha kaliyaate ee la koolkoosho, iwm&#8221;. Waxaa la oran jiray &#8221;lagu ma fariisto gogosha mudaneha, lagu ma cuno cuntada weelka mudaneha, lagu ma cabbo biyaha weelka mudaneha iwm&#8221;. Taas micneheedu ma ahayn in laga cabsanayo ee waxa ay ahayd in la weynaynayo.<\/p>\n<p>Soomaalidii hore oo dawladnimada dhisaysay ee reer magaalowday eraygii miyiga ee &#8221;Mudane&#8221; ayay soo qaadeen oo reer magaaleeyeen deedna xubnaha baarlamanka u bixyeen: &#8221;Mudane iyo Mudaneyaal&#8221;.<\/p>\n<p>Waxaa la mid ah &#8221;Nabaddoon, Samadoon, Caaqil, Xildhibaan ikk&#8221;.<\/p>\n<p>Markaa &#8221;Samatar&#8221; waa &#8221;wanaag sameeye&#8221;. Waxaa uu eraygu ka kooban yahay &#8221;Same(o)&#8221; iyo &#8221;Tar(e)&#8221;.<\/p>\n<p>Eraygani siyaabaha uu i su badbaddalayo bal u fiirto:<\/p>\n<p>&#8221;Senator&#8221; = Samatar<br \/>\n&#8221;Senators&#8221; = Samartarro<\/p>\n<p>Waxaa la oranayaa &#8221;Halkan 1 &#8221;Samatar&#8221; ayaa fadhiya&#8221;. Waxaa kale oo la oranayaa &#8221;Halkan &#8221;Samatarro&#8221; badan ayaa fadhiya&#8221;. &#8221;Labo ama saddex &#8221;Samatar&#8221; ayaa fadhiya&#8221; na waa la oran karayaa!<\/p>\n<p>Dabeecad, muuqaal ama maqal kale oo labadan eray ee &#8221;Senator&#8221; iyo &#8221;Samatar&#8221; ka dhexeeyana waa iska muuqataa oo haddii ay adagtahay in magacan in badani taqaan oo caanka baxay ee &#8221;Senator&#8221; laga guuro oo eray kale in lagu baddalo oo uu hir galo ay adag tahay, miyaanay fududayn in eray u dhaw oo afkeena ah looga digarogto? &#8221;Senator&#8221; waa afkooda, &#8221;Samatar&#8221; se waa afkeena, waa na isku micne.<\/p>\n<p>Tusaaleyaal:<\/p>\n<ol>\n<li>&#8221;Senator&#8221; waxa ay af Soomaali ku tahay &#8221;Samatar&#8221;.<br \/>\n2. Soomaaliya waxa ay leedahay 54 Samatar.<br \/>\n3. Hal Samatar ayaa u codeeyay qorshehaas.<br \/>\n4. Samatarro kor u dhaafaya 20 ayaa ka codeeyay.<br \/>\n5. Ha loo yeero Samatarkii qorshehan hindisay.<\/li>\n<\/ol>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-33474\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a.jpg\" alt=\"233-5c6a\" width=\"404\" height=\"303\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a.jpg 2048w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-768x576.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-1024x768.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/233-5c6a-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 404px) 100vw, 404px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Qore Qoraa\u00a0<span class=\"fwn fcg\" style=\"color: #0000ff;\"><span class=\"fcg\"><span class=\"fwb\"><a id=\"js_2h7\" class=\"profileLink\" style=\"color: #0000ff;\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/BaraagCabdirisaaq\" target=\"_blank\" data-ft=\"{&quot;tn&quot;:&quot;l&quot;}\" data-hovercard=\"\/ajax\/hovercard\/user.php?id=100001120911411\" data-hovercard-prefer-more-content-show=\"1\">Cabdirisaaq Baraag<\/a><\/span> <\/span><\/span><\/p>\n<p>Xigasho:\u00a0<span style=\"color: #0000ff;\"><a style=\"color: #0000ff;\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/BaraagCabdirisaaq\/posts\/1261919957188689\" target=\"_blank\">https:\/\/www.facebook.com\/BaraagCabdirisaaq\/posts\/1261919957188689<\/a><\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jaalle\u00a0Deeq Aw Hersi Hussein\u00a0ayaa i soo weyddiiyay bal in aan eraybixin wanaagsan u raadin karo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":33474,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-33472","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":2129,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/33472","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=33472"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/33472\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":33477,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/33472\/revisions\/33477"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/33474"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=33472"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=33472"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=33472"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}