{"id":38630,"date":"2017-05-07T12:57:08","date_gmt":"2017-05-07T10:57:08","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38630"},"modified":"2017-05-07T12:57:08","modified_gmt":"2017-05-07T10:57:08","slug":"raiisul-wasaare-kheyre-dhallinyaradu-waa-udub-dhexaadka-dawladnimada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38630","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Kheyre \u201c\u2019Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya\u201d"},"content":{"rendered":"<p>7 May 2017 (Puntlandes) Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhallinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u2018\u2019Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd\u2019\u2019,ayuu yiri R\/Wasaare Kheyre.<\/p>\n<p>Waxaa uu Ra\u2019iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38631\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a.jpg\" alt=\"235-1e7a\" width=\"648\" height=\"432\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7a-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 648px) 100vw, 648px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38632\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b.jpg\" alt=\"235-1e7b\" width=\"649\" height=\"433\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e7b-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 649px) 100vw, 649px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>7 May 2017 (Puntlandes) Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":38632,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-38630","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1014,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38630","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=38630"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38630\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38633,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38630\/revisions\/38633"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/38632"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=38630"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=38630"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=38630"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}