{"id":38691,"date":"2017-05-09T12:37:26","date_gmt":"2017-05-09T10:37:26","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38691"},"modified":"2017-05-09T12:37:26","modified_gmt":"2017-05-09T10:37:26","slug":"s-fahamka-ay-kala-saxiixdeen-wasiirada-warfaafinta-ee-dowladda-federaalka-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38691","title":{"rendered":"s Fahamka ay kala saxiixdeen Wasiirada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka &#038; Dowlad Goboleedyada"},"content":{"rendered":"<p align=\"left\">9 May 2017 (Puntlandes) Is fahamka wadashaqaynta iyo hagaajinta habsami u socodka hawlaha warfaafinta qaranka, oo dhexmaray Wasiiradda Warfaafinta heer Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\">Kulankii 3-da maalmood ahaa ee ay Wasiiraddu ku yeesheen Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho 6-8 May, 2017, waxay si qoto dheer iskula falanqeeyeen wanaajinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya waaxyaha Dawladda, warbaahinta xorta ah ee Soomaaliyeed, dawladaha iyo hay\u2019adaha caalamka ee taageera warbaahinta Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\">Inkastoo qaababka dawladnimo ee adduunku ku dhaqmo, ee uu ka mid yahay nidaamka federaalka ee hadda Soomaaliya ay gashay, mid weliba leeyahay nidaam iyo dariiq wadashaqeyn oo u degsan, hadana maadaama uu nidaamkan federaalku ku cusub yahay dowladnimada Soomaaliya, waxay Wasiiraddu u arkeen in ay muhiim tahay in xilliga dhow meelaha qaarkood la cadeeyo, waxayna ku heshiiyeen:-<\/p>\n<p align=\"left\"><strong>Dhinaca Siyaasadda<\/strong><br \/>\n\u2022 In Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay dal xor ah, oo leh xad iyo xudduudo la aqoonsan yahay, sharci iyo dawlad keliya oo Federal ah.<br \/>\n\u2022 In sida uu qabo nidaamka dowliga ah, Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federal, oo la tashanaysa Dawlad goboleedyada, ay mas\u2019uul ka tahay dejinta siyaasadda, shuruucda iyo qorshayaasha warbaahineed ee heer qaran.<br \/>\n\u2022 In ciddii doonaysa in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliso howlo la xiriira warbaahin, wacyigelin ama ra\u2019yi gudbin qaabkii doontaba ha u adeegsatee, albaabka ay ka soo gelayso dalka Soomaaliya, uu yahay Wasaaradda Warfaafinta ee heer federal iyo dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.<br \/>\n\u2022 In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federal iyo heer Dawlad goboleed ay yeelanayaan wadashaqeyn joogto ah, qorshe iyo istraatiijiyad warbaahineed oo mideysan.<br \/>\n\u2022 In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Qaran iyo dawlad goboleed dejistaan qorshe lagu wadaagayo fursadaha taageero, tababar iyo horumarineed ee ka suurageli kara dawladda Soomaaliya, ururadda iyo dawladaha aan saaxiibka nahay.<br \/>\n\u2022 In si loo ilaaliyo xuquuqda iyo waajibaadka weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyaa sharciga saxaafadda ee Barlamaanka Soomaaliyeed ansixiyay.<br \/>\n\u2022 In Warbaahinta Dawladda ee heer Qaran iyo heer Dawlad Goboleed ay yihiin codka shacabka oo danta guud ka howlgala. Shaqsi, koox ama beel uma adeegsan karto rabitaankeeda gaarka ah.<\/p>\n<p align=\"left\"><strong>Dhinaca wacyigelinta<\/strong><br \/>\n\u2022 In la sameeyo Golaha Wacyigelinta Qaranka (GWQ), oo dejinaya qorshaha iyo Barnaamijyada wacyigelineed ee lagu wajahayo dhibaatooyinka dhinacyada amniga iyo bulshada ee haysta shacabka Soomaaliyeed, sida la dagaalanka fikirka argagixisada, qabyaaladda, dib u heshiisiinta iyo abuurista isku kalsoonida shacabka,oo ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha heer federal iyo dawlad goboleed, waxayna Wasiiraddu ka codsadeen Dawladaha, hay\u2019adaha iyo ururadda taageera Soomaaliya in ay ka caawiyaan dejinta iyo hirgelinta qorshayaashaas wacyigelineed.<br \/>\n\u2022 In Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleed sameeyaan qorshe mideysan, oo bulshada lagu barayo (civic education) dawlad wanaagga iyo dawlad wadaagga, federaalaynta, dastuurka iyo doorashooyinka.<br \/>\n\u2022 In la xoojiyo xiriirka wadashaqeyneed iyo war kala qaadasho ee warbaahinta dawladda ee heer federal iyo heer dawlad goboleed.<br \/>\n\u2022 In warbaahinta gaarka loo leeyahay loo sahlo helitaan xogaha, wararka iyo barnaamijyada bulshadu danayso ee ay hayaan hay\u2019adaha dawladdu.<\/p>\n<p align=\"left\"><strong>Dhinaca Xiriirka gacmaha kale ee warbaahinta<\/strong><br \/>\nGacmaha kale ee Warbaahinta, waxaa looga jeedaa hay\u2019adaha iyo hawlwadeenada aan dawladda ahayn ee ka shaqeeya warbaahinta sida warbaahinta madaxa bannaan iyo hay\u2019adaha gudaha iyo dibedda ee ka shaqeeya warbaahinta.<br \/>\n\u2022 Wasiiraddu, waxay ku wargeliyeen ururradda, weriyayaasha iyo hay\u2019adaha warbaahinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradda Warfaafinta ee heer dawlad goboleedka ay ka hawlgalaan una gudbiyaan warbixin xogeedkooda (Company profile) iyo qorshayaashooda Soomaaliya oo dhamaystiran.<br \/>\n\u2022 Cid kasta oo sharci daro ku soo gasha, kaga shaqaysa ama ku joogta meel Soomaaliya ka mid ah ama ka fulisa hawlo aanay ogeyn Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleedka, waxay mutaysanayaan ciqaab adag.<br \/>\n\u2022 Warbaahin qalaad (ajnabi) ah ma dhexmari karto warbaahin Soomaaliyeed hadii aanay ogolaansho ka haysan Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Federaalka iyo Wasaaradda warfaafinta ee dawlad goboleedka laga dhegaysanayo ama daawanayo.<\/p>\n<p align=\"left\">Waxaa isfahamkan gaaray kuna dhaqmi doona qaybaha warbaahineed ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo dhan, oo ay matelayeen ama wakiil u yihiin:<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirada Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa wada saxiixay is-fahamkan.<\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38692\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4.jpg\" alt=\"235-1f4\" width=\"658\" height=\"370\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4.jpg 1136w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-300x169.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-768x432.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-1024x576.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-292x164.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-638x359.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4-400x225.jpg 400w\" sizes=\"auto, (max-width: 658px) 100vw, 658px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38693\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a.jpg\" alt=\"235-1f4a\" width=\"677\" height=\"508\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a.jpg 1180w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-768x576.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-1024x768.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f4a-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 677px) 100vw, 677px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38667\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1.jpg\" alt=\"235-1f1\" width=\"672\" height=\"448\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1.jpg 1180w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 672px) 100vw, 672px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38668\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2.jpg\" alt=\"235-1f2\" width=\"669\" height=\"446\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2.jpg 1180w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 669px) 100vw, 669px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-38669\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a.jpg\" alt=\"235-1f2a\" width=\"675\" height=\"450\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a.jpg 1180w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1f2a-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 675px) 100vw, 675px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"left\">Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>9 May 2017 (Puntlandes) Is fahamka wadashaqaynta iyo hagaajinta habsami u socodka hawlaha warfaafinta qaranka,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":38692,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-38691","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1600,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38691","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=38691"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38691\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38694,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38691\/revisions\/38694"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/38692"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=38691"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=38691"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=38691"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}