{"id":38753,"date":"2017-05-12T19:28:32","date_gmt":"2017-05-12T17:28:32","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38753"},"modified":"2017-05-12T19:44:53","modified_gmt":"2017-05-12T17:44:53","slug":"akhriso-golaha-wasiiradda-dfs-oo-ka-noqday-goaan-ay-shalay-soo-saareen-magacii-g-banaadir-oo-ay-bedeleen-ciidanka-xasilinta-caasimadda-oo-door-laga-siiyey","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38753","title":{"rendered":"Akhriso Golaha wasiiradda DFS oo ka noqday go&#8217;aan ay shalay soo saareen, Magacii G. Banaadir oo ay bedeleen &#038; Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo door laga siiyey&#8230;"},"content":{"rendered":"<p>12 May 2017 (Puntlandes)\u00a0Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay\u00a0kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre kasoo saaray 14 qodob oo lagu goaamiyey Hawl galka xasilinta Caasimadda aynu ku soo dareen dhulka Caasimaddau xukunto Degmada Afgooye ayaa maanta kaga llaabtay go&#8217;aankii ay Afgooye ku dareen Caasimadda.<\/p>\n<p>Golaha Wasiirada DFS ayaa waxay kaloo ku dareen 4 qodob oo ay ku xoojiyeen awooda iyo doorka maamulka Gobolka Banaadir iyagoo door muhiim ah\u00a0ka siiyey abaabulka Ciidanka Xasilinta Caasimadda, waxayna sidii uu dhawaan soo saaray u qoreen magaca Banaadir (Benadir).<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-38527\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1.jpg\" alt=\"235-1e1\" width=\"560\" height=\"373\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1.jpg 1180w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/235-1e1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 560px) 100vw, 560px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Golaha wasiiradda DFS oo ka noqday go&#8217;aan ay shalay soo saareen, halkan ka akhriso goaankii shalay: <span style=\"color: #0000ff;\"><a style=\"color: #0000ff;\" href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=38739\" target=\"_blank\">Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo lagu go,aamiyey howlgalka Xasilinta Muqdisho oo ay ku dareen Afgooye<\/a><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hoos ka akhriso Go&#8217;aanka cusub ee lagu bedelay kii shalay\u00a0ee ay soo saareen\u00a0Golaha wasiiradda DFS<\/p>\n<h3><strong>Saxitaan Go\u2019aanadii Golaha Wasiirada ee 11ka May 2017<\/strong><\/h3>\n<p>Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ku gaaray go\u2019aamo amniga iyo xasilinta lagu dar-dargelinayo.<\/p>\n<p>Golaha Wasiirada ayaa si wadar-oggol ah u ansixiyey go\u2019aamadan:<\/p>\n<ol>\n<li>In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS &amp; Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.<\/li>\n<li>Maamulka Gobolka <span style=\"color: #0000ff;\"><strong>Benadir<\/strong> <\/span>ayaa door hormuud ka qaadanaya iskudubaridka ciidanka howlgalka caasimada.<\/li>\n<li>Golahu waxey soo dhoweeyeen go\u2019aanka Gobolka <strong>Benadir<\/strong> ee ah in Gawaarida laga mamnuuco inay dhigtaan wadada Makka Mukaramma, uguna baaqaan gaadiidleyda inay maamulka Gobolka kala shaqeeyaan arrinkan si amniga aan u wada ilaashano.<\/li>\n<li>Golaha Wasiirada waxey soo dhoweeyeen kuna ammaaneen Maamulka Gobolka dhisida Golaha Ammaanka ee Gobolka <strong>Benadir<\/strong> waxaana la faray hay\u2019adaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan. Golahu waxey isla garteen in Golaha Amniga Golbaka <strong>Benadir<\/strong> ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka caasimada.<\/li>\n<li>Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-<\/li>\n<li>Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,<\/li>\n<li>Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah<\/li>\n<\/ol>\n<p>Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.<\/p>\n<ol start=\"6\">\n<li>Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN \u201cPolizia-Militariya\u201d.<\/li>\n<li>Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas\u2019uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.<\/li>\n<li>Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.<\/li>\n<li>Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.<\/li>\n<li>Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas\u2019uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.<\/li>\n<li>Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.<\/li>\n<li>Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan &amp; qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.<\/li>\n<li>Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka &amp; Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay\u2019adaha amniga.<\/li>\n<li>Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas\u2019uul ka ahaan doonaa:-<\/li>\n<li>Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.<\/li>\n<li>Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.<\/li>\n<li>Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.<\/li>\n<li>Laga bilaabo 11\/May\/2017 waxaa mas\u2019uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka &amp; Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Dhammaan go\u2019aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.<\/p>\n<p>DHAMAAD<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>12 May 2017 (Puntlandes)\u00a0Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay\u00a0kulankoodii caadiga ahaa oo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":38527,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-38753","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":2415,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38753","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=38753"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38753\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38756,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/38753\/revisions\/38756"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/38527"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=38753"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=38753"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=38753"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}