{"id":42029,"date":"2017-08-27T14:49:13","date_gmt":"2017-08-27T12:49:13","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=42029"},"modified":"2017-08-27T14:49:13","modified_gmt":"2017-08-27T12:49:13","slug":"dhacdadii-bariire-oo-abuurtay-qalalaase-xiriika-warbaahinta-communication-crises","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=42029","title":{"rendered":"Dhacdadii Bariire oo Abuurtay Qalalaase Xiriika Warbaahinta (Communication Crises)"},"content":{"rendered":"<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Maahan wax ku cusub caalamka ama dalkeena Soomaaliya in ay dowladaha soo wajahaan qalalaase warbaahineed kaas oo sababa dhaleecayn, qoraalo la soo dhigo baraha bulshada oo dib looga saaro, eedeyn dhanka saxaafada la isku marsiiyo mararka qaarna wasiiro iyo shakhsiyaad xilal culus ka haya dowlada dhexdeeda ay warbaahinta u gudbiyaan fariimo is burinaya. Arintaan aad ayeey ugu badan tahay dowlada dhexdeeda, waana mid soo noq noqota, waxaase aan jeclaystay inaan halkaan ku soo koobo qodobo muhiim ah oo mustaqbalka looga baaqsan karo qaabka loo wajahay dhanka warbaahinta dhacdadii xanuunka badnayd ee Bariire kadib.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Soomaalidu waxy ku maah-maahdaa \u201c<b>Af daboolan waa dahab<\/b>\u201d\u00a0 ama \u201c<b>Gacmo Geel jire hoos ayaa loo dahaqaa<\/b>\u201d Aamusnaantu waa mida ka warsugta fikradaha la isla dhex marayo iyo shakiyada jira hadii ay run yihiin iyo hadii ay been yihiin. Marka xaalkaan oo kale dhaco waa in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan dhamaan qaybaha ay khusayso si meesha looga saaro isbar-bar yaaca, gudbinta fariimo khaldan iyo hadalo isburinaya oo saamayn ku yeelan kara warbixinada soo bixidoona.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Xaaladahaan oo kale waxaa la adeegsadaa talaabooyinkaan hoos ku qoran si loo xakameeyo<b>Qalalaasaha Warbaahineed<\/b><\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">Waxaa kulan la isugu keenaa dhamaan dadka arinkaan khuseeyo sida, Wasiirka Gashaandhiga, Wasiirka Warfaafinta, Afhahayeenka ciidanka, Afhayaeenka Dowlada, Taliyaha Ciidanka, Wasaarada Aminga, Agaasiamaha Warfaafinta Madaxtooyada, Garyaqaanka guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">\u00a0Waxaa la qeexaa talaabada la qaadayo nooca ay tahay, waxaana isla markiiba la sii daayaa warbixin kooban oo lagu tilmaamayo in falkaan uu baaritaan ku socdo.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la xaqiijiyo dhibka dhacay hoostana laga xariiqo waxa sababay<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la isla fahmo cawaaqib xumada ka dhalan karta arinka<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la qiyaaso qaabka ay saxaafadu uga hadashay<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la isla afgarto cid kale oo awoodi karta in ay arinkaan ka caawiso, khaas ahaan cid madax banaan ama gacan sadexaad<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la isla jeex jeexo hadii ay jiri karaan shakhsiyaad ama hay\u2019ada kale oo arinka wax ka gali kara<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In laga taxadaro cida ka fa\u2019iidysan karta khaladka dhacay<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la diyaarsho xarun dhexe oo lagu soo aruuriyo macaluumaadka khuseeya arinkaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In loo dul qaato dagaalka dhanka saxaafada ah oo ka iminaya shakhsiyaadka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta ama Odayaasha dhaqanka<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In Madaxda sare lala wadaago go\u2019aanka ugu danbeeya, hadii ay ahaan lahayd fariimaha baxaya, jawaabha\u00a0 la bixinayo iyo habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo arinka<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la isla fahmo casharada laga baran karo arintaan<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpLast\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><b><span lang=\"EN-GB\">Kulankaas markuu dhaco kadib waxa muhiim ah in la qaado talaabooyinkaan hoos ku qoran<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">Cadayn iyo qiimayn qalalaasaha warbaahineed<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">Isu keenitaan dhamaan dadka ku lugta leh dhacdadaan<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">Qiimayn heerka ay gaarsiisan tahay xaalada ka dhalatay qalalaasaha warbaahineed<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">Maamulida iyo xakamayn warbaahinta dowladda iyo qaybaha kale ee afka dowladda ku hadla<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la diyaariyo fariimo midaysan oo la siinayo saxaafada<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In dhinacyadu isla fiiriyaan fariinta ka hor inta aan la sii dayn<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><span lang=\"EN-GB\">In la qiimeeyo qaabka warbaahintu u soo xigatay fariinta la siidaayey<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-m_3088531065453064145gmail-MsoListParagraphCxSpLast\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Waxaa xusid mudan mudadii \u00a0aan ku dhex jiray warbaahinta dowladda in ay dowladu u wajahday ka hortaga\u00a0<b>qalalaase warbaahineed<\/b>\u00a0dilkii ay ciidanka dowladu u gaysteen Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir 24, May, 2015-kii, arinkaas waxaa laga yeeshay talo balaaran, waxaana lagu wargaliyey qaybaha afka dowladda ku hadla iyagoon wax hubsan in ay dilka Xildhibaanka ka hadlaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Waxaa shir isugu yimid Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenkii xiligaas Maxamed Cumar Carte, Taliyihii Ciidanka Milateriga Gen, Indho\u00a0 Qarsho, Wasiirkii Amniga Cabdirizaq Maxamed Cumar, Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gen, Tuuryare, iyo anigoo ahaa Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha, waxaa la isku keenay dhamaan macluumaadkii khusaysay arinkaan waxaan go\u2019an lagu gaaray in saxaafada warbixinta la siiyo marka la soo dhamaystiro macalumaadka kusaabsan qaabka dilku u dhacay.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Saxaafada gudaha iyo mida dibada ayaa dilka xildhibaanka ka qortay hadalo kala duwan, qaar ayaa sheegay in Alshabaab ay ka danbeeyeen dilka, qaar ayaa soo qoray in dablay hubaysan ay gaysteen dilka Xildhibaanka, qaarna waxy soo qoreen in ciidamo dowlada ah si bareer ah u dileen. Alshabaab ayaa dhankooda soo saaray qoraal ay ku sheeganayaan masuuliyada dilkaas.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Warbixintii midaysnayd ee dowladu soo saaratay saacado badan kadib dilka Xildhibaaka ayaa si faah faahsan loogu sheegay qaabka wax u dhaceen, waxaana arinkaas lagu cadeeyey in ciidamada dowlada ah ay si kama\u2019a ah u dileen xildhibaanka kadib markii kala shaki uu dhex maray Ilaaladi Xildhibaanka iyo Gaari ciidan saarnaa. Waxaa kale oo laga fa\u2019iiday oo meesha ka cadaatay in falal badan oo ka dhaca muqdisho aysan gaysan Shabaab oo kaliya balse masuuliyadeeda ay sheegtaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Dulucda qoraalkayga ayaa ku qotoma in marka arinkaan oo kale uu dhaco lagama maarmaan ay tahay in la aamusiyo Afhayeenada tirada ka batay ee hay\u2019adaha dowladda, lagana dhowrsado in saxaafada lala wadaago warbixino aysan soo saarin gudi xaqiiqo raadin ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0\u201c<b>Dabku wuxuu ku bilowdaa holac, deg degna waa u faafaa<\/b>\u201d kalamada aan laga fiirsan oo aad dhigto Twitter ama facebook waxaa saamayn ay ku yeelan kartaa siyaasada dowladda, waxaana suurtagal ah in ay dhumiso kalsoonida shacabka.<\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-42030\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3.jpg\" alt=\"27d3\" width=\"191\" height=\"191\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-150x150.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-300x300.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-768x768.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-50x50.jpg 50w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-292x292.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-55x55.jpg 55w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/27d3-638x638.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 191px) 100vw, 191px\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><b><span lang=\"EN-GB\">Diraac Salaad Fagaase<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">Agaasimihii Hore ee Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha hadana ah la taliyaha dhanka Saxaafada ee Wasaaradda Maaliyadda<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maahan wax ku cusub caalamka ama dalkeena Soomaaliya in ay dowladaha soo wajahaan qalalaase warbaahineed&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42030,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-42029","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1474,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/42029","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=42029"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/42029\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":42031,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/42029\/revisions\/42031"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/42030"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=42029"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=42029"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=42029"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}