{"id":51975,"date":"2018-07-03T17:25:04","date_gmt":"2018-07-03T15:25:04","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=51975"},"modified":"2018-07-03T17:25:04","modified_gmt":"2018-07-03T15:25:04","slug":"wasiirka-boostada-isgaarsiinta-oo-ku-adkaystay-dhismaha-muranka-dhaliyay-heyadda-isgaarsiinta-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=51975","title":{"rendered":"Wasiirka Boostada &#038; Isgaarsiinta oo ku adkaystay dhismaha muranka dhaliyay Hey\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka"},"content":{"rendered":"<p align=\"left\">3 July 2018 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay\u2019ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.<span id=\"more-6426\"><\/span><\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-51976\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7.jpg\" alt=\"41b7\" width=\"696\" height=\"522\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7.jpg 696w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/41b7-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inlineleft td_uid_2_5b3b17e55adca_rand td_block_template_1\"><\/div>\n<p align=\"left\">Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.<\/p>\n<p align=\"left\">Isagoo ka hadlayay ahmiyadda Hay\u2019addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. \u201cWaxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,\u201d ayuu yiri wasiirku.<\/p>\n<p align=\"left\">Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. \u201cWaxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,\u201d ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray \u201cwaxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay\u2019addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa\u2019iidooyinka sharciga iyo Hay\u2019addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay\u2019adda.\u201d<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirku ma soo qaaadin Dawladgoboleedyada dalka oo cabasho ka muujiyey ama diiday habka uu wax ku wado iyadoo aynu ogsoonahay s idaas si la mid ah inuu dhagaha uga furaystay markii la ansixinayey s harcigan dhanka ka raran.<\/p>\n<p align=\"left\">Waxaa suaal ah meesha aan Muqdisho ahayn oo wasiirku qasab uga fulin karo sida uu wax u wado, mase oga miyaa in dalku faderaal qaatay?<\/p>\n<p align=\"left\">Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>3 July 2018 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka warbixiyay guulaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":51976,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-51975","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1345,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/51975","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=51975"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/51975\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":51977,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/51975\/revisions\/51977"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/51976"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=51975"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=51975"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=51975"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}