{"id":53899,"date":"2018-09-15T14:10:03","date_gmt":"2018-09-15T12:10:03","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=53899"},"modified":"2018-09-15T14:10:03","modified_gmt":"2018-09-15T12:10:03","slug":"waatan-warbixinta-runta-ah-ee-mashruuca-dhismaha-wadada-garowe-galkacyo","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=53899","title":{"rendered":"WAATAN WARBIXINTA RUNTA AH EE  MASHRUUCA DHISMAHA WADADA GAROWE &#038; GALKACYO?"},"content":{"rendered":"<p>15 Sep 2018 (Puntlandes) Wadada Laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ayaa sanadkii hore waxaa heshiis ku galay in 40 km la dhiso, halka 40 kalena la dayactirayo Shirkada ISXILQAAN iyo Hay\u2019adda Wadooyinka Puntland (PHA).<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-53900\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2.jpg\" alt=\"50\" width=\"649\" height=\"433\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2.jpg 740w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/50-2-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 649px) 100vw, 649px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Qaybta wadada la dhisayo ayaa ah Burtinle iyo Xarfo, halka qaybta la dayactiriayana ay tahay Jalam iyo Burtinle.<\/p>\n<h3><strong>Mashuuraca dhismaha wadada<\/strong><\/h3>\n<p>Mashuuraca dhismaha wadada waxaa Maalgeliye ka ah Midowga Yurub (EU), waxaana Wakiil u ahaa EU Hay\u2019adda GIZ oo ay leedahay dawladda Jarmalku.<\/p>\n<p>Fuliyaha Mashruuca GIZ ayaa waxay heshiis la gashay PHA oo u dhexaysa hirkada dhisaysa iyo fuliyaha.<\/p>\n<p>Mashuucaan waxay EU du u qoondaysay lacag ah $6000 000, waxaana lacagtaas maamulaya fuliyaha, GIZ oo kaliya.<\/p>\n<p>Tartan furan oo loo galay ayey <span style=\"color: #0000ff;\"><a style=\"color: #0000ff;\" href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=37014\" target=\"_blank\">Shirkada ISXILQAAN oo laga leeyahay Puntland ku guulaysatay<\/a><\/span>, waxaana si rasmi ah loo shaaciyey maarso 2017kii, waxaana si rasmi ah loo kala saxiixday 1 april, hoos\u00a0<strong>ka daawo<\/strong>.<br \/>\n<iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/aAZiT17Jkwc\" width=\"500\" height=\"380\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>Warbaahinta Puntlandes ayaa si qoto dheer ugu samaysay baaritaan si ay shacabka reer Puntland ugu iftiimiso xaaladda dhabta ah ee uu mashruucu soo maray ama ku sugan yahay.<\/p>\n<p>Shirkada ISXILQAAN ayaa waxay kulankii shaqo ee ugu horeeyey kula yeelatay GIZ magaalada Addis Abeba bishii april bartamaheedii ee 2017kii, <span style=\"color: #0000ff;\"><a style=\"color: #0000ff;\" href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=37824\" target=\"_blank\"><strong>halkan ka akhriso<\/strong><\/a><\/span>, waxaana lagu heshiiyey sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Shirkada ISXILQAAN iyo PHA oo dhan ah iyo GIZ iyo PHA oo dhan ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h3><strong>Sida dhaqaalaha mashruucu ku baxayey &amp; sida loo maamulayey<\/strong><\/h3>\n<p>Dhaqaalaha waxaa maamulayey sidaan horayba usoo jeegnay GIZ oo wakiil ama Fuliye u ah EU, wuxuuna ku baxayey habraac lagu heshiiyey oo ku salaysan invoice (Qaansheegasho) ay shirkadu u dirayso GIZ xafiiskeeda Nairobi, kadibna ay GIZ Nairobi u dirayso GIZ Germany.<\/p>\n<p>Shirkada ISXILQAAN waxay hadba shaqada ay qabato oo markii laga koontaroolo oo laga hubiyo inay buuxisay habraacii dhismaha wadada ee lagu heshiiyey Qaansheegashadeeda u diraysaa GIZ.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Koontaroolka ayaa wuxuu u dhacayey sidatan: Marka hore PHA ayaa waxay ka koontaroolaysaa Shirkada ISXILQAAN shaqada sida Biyaha, Ciida iyo dhagaxa ay u isticmaalayso dhismaha iyo shaqada ay qabatayba, kadibna GIZ Nairobi ayaa iyaduna sii koonatroolaysay, markaas kadib\u00a0 ayey shirkadu diraysay shaqada ay qabatay Qaanshagashadeeda.<\/p>\n<h3><strong>Dhaqaalaha<\/strong><\/h3>\n<p>Dhaqaalaha ilaa hadda soo gaaray Shirkada ISXILQAAN waa 10% oo uu heshiisku ahaa in bilowga mashruuca loo fasaxo, taasoo u dhiganta $6 miljan\u00a0\u00a0 X 10% waa $600\u00a0000. Waxay kale oo shirkadda soo gaaray 297\u00a0000$ oo Qaansheegaashadeed ku xusnayd \u00a0oo loo soo shubay, isugayn waa lacag ku dhow $900\u00a0000.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo aan baaritaanka ku ogaanay inay jirto laba Qaansheegaashoo oo kale oo ay Shirkada ISXILQAAN ku dirtay GIZ Nairobi kadib loo sii gudbiyey GIZ Germany si lacagta loogu soo shubo shirkadda kadib markii ay ku guulaysatay labadii koontarool ee ay martay ee PHA iyo GIZ Nairobi.<\/p>\n<p>Qalabka koontoroolka (Laboratory-ga) oo casri ah oo wax lagu koontaroolayo waxaa iska lahaa GIZ Nairobi, waana inay wax kasta oo wadada galaya koontarool maraan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h3><strong>Doorka GIZ<\/strong><\/h3>\n<p>Sidii heshiiska ku xusnaa Fuliyaha (Isxilqaan) iyo wakiilka maalgeliyahaEU\u00a0 (GIZ)waxaa u dheexaya PHA, haldaas waxaa ka muuqata in doorkii GIZ ee mashruuca ay ku wareejiyeen PHA oo Shirkadda ISXILQAAN heshiiska la gashay.<\/p>\n<p>Dawladda Puntland oo ay wakiil uga ahayd PHA sidaas ayeysan u maamulin wax dhaqaale oo kaliya ka ahaayd korjooge sida ay hawshu u socoto.<\/p>\n<p>Dhaqaaluhuna wuxuu ku baxayey Qaansheegasho ay ISXILQAAN\u00a0 u dirsato GIZ marka ay sharuudihii koontoroolka looga baahnaa ay buuxiso sidaasaana ay hawshu ku socotay.<\/p>\n<p>Sidaas ayey u muuqataa inysan jirin wax dhaqaale ah oo uu leeyahay mashruucaasi oo soo galay amaba soo maray Qasnada dawladda Puntland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h3><strong>Maxaa isbedelay?<\/strong><\/h3>\n<p>Waxaa xigay warqad ay soo saartay GIZ oo wakiil uga ahaa mashruuca EU, kuna caddaynayso inay mashruucii joojisay heshiiskiina ka baxday.<\/p>\n<p>Sababaha ay sheegatay GIZ waxay ahayd maamulxumo, iyadoon caddayn cidda samaysay maamulxumada.<\/p>\n<p>Waxaa iswaydiin leh maamulxumada ay sheegtay GIZ yaa la maamulayey oo ay ku sheegaysaa? Shirkadda ISXILQAAN shaqadii ay qabato waxay maraysay labo koontarool oo kala ahaa PHA iyo GIZ, markaas kadib ayey Qaansheegashadeeda u dirsanaysay GIZ sidaas ayeyna hawshu ku socotay.<\/p>\n<p>Sidaas daraadeed waxaynu dhihi karnaa maamulxumo haddii ay jirto waxay ka jirtay GIZ dhexdeeda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h3><strong>Muxuu mashruucu ku sugan yahay hadda, xaggeese xal maraysaa?<\/strong><\/h3>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-53901\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2.jpg\" alt=\"47b4a2\" width=\"474\" height=\"355\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2.jpg 474w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/47b4a2-292x219.jpg 292w\" sizes=\"auto, (max-width: 474px) 100vw, 474px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Shirkadda ISXILQAAN oo wadaniga ahi waxay isku xilqaatay inaan shaqadii istaagin, waxayna go\u2019aansatay in sidii heshiisku ahaa shaqdii u wado, ayna dhisto 40km oo laami ah, Burtinle iyo Xarfo.<\/p>\n<p>12kii sep 2018 ayey shirkadu bilowday Laami saarista wadada, waxayna kusoo gabagabaynasaa mudo ugu badnaan ah 2 bilood ah, hoos\u00a0ka daawo Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo ka hadlaya.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/hsydRevDUko\" width=\"500\" height=\"380\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>Maadaama ay GIZ ku fashilantay soconsiinta mashruucaan oo iyada gudaheedii dhib ka abuurmay, waxay dawladda Puntland iyo Shirkadda ISXILQAAN oo is kaashanaya codsi wadjir ah u gudbinayaan EU oo awal usoo wakiilatay GIZ inay wakiil cusub usoo magacowdaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h3><strong>Warka Suuqeeda ee Mucaaradka!!<\/strong><\/h3>\n<p>Qofku waxaa fiican inuu ka hadlao wax uu ka warqabo ama xogteeda ogyahay, haddii aysan taasi dhicin wuxuu ku hadlaa waxay noqonaysaa warxumo tashiilnimo iyo jahawareerin ummadeed, wuxuuna astaahilaa ciqaab.<\/p>\n<p>Halkan ka daawo Nabadoon\u00a0 Khaliif Aw-Cali oo ka hadlaya xataa inay been u sheegeen Baarlamaanka Puntland laakiin markii ay baareen ay garowsadeen warkaas inuusan sax ahayn.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/QMW1jCPX86s\" width=\"500\" height=\"380\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>15 Sep 2018 (Puntlandes) Wadada Laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ayaa sanadkii&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":53900,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-53899","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":9967,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/53899","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=53899"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/53899\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":53902,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/53899\/revisions\/53902"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/53900"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=53899"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=53899"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=53899"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}