{"id":56206,"date":"2018-12-07T12:26:50","date_gmt":"2018-12-07T11:26:50","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=56206"},"modified":"2018-12-07T12:26:50","modified_gmt":"2018-12-07T11:26:50","slug":"cameey-juxihii-laantuu-ku-fadhiyay-goynayay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=56206","title":{"rendered":"Cameey: Juxihii laantuu ku fadhiyay goynayay!"},"content":{"rendered":"<p><strong>W\/Q: Axmed-Yaasiin Max\u2019ed Sooyaan<\/strong><\/p>\n<div class=\"google-ad google-ad-post-content\"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8899908092030556\" data-ad-slot=\"6171986180\" data-adsbygoogle-status=\"done\"><ins id=\"aswift_3_expand\"><ins id=\"aswift_3_anchor\"><\/ins><\/ins><\/ins><strong>Cameey: Juxihii laantuu ku fadhiyay goynayay!<\/strong><\/div>\n<div><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-56122\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2.jpg 640w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/111b2-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a><\/div>\n<p>Waqtigan aan joogno dalka Soomaaliya waxaa moodaa in laga maarmay hal-beeg sax iyo khalad ahaa, waana KHATAR! KHatar, aad u weyn oo dhaawac ku ah jiritaanka dhaqanka, xeerarka nolosha iyo cahdiga (dastuurka) dadku dhigto salkeeduna yahay burbur hor leh oo halis ku ah jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya! Ma aha mid qarsoon in\u00a0<strong>madadx-weynaha dowladda federal-ka Max\u2019ed Farmaajo iyo r\u2019iisal wazaaraha Xasan KHayre<\/strong>\u00a0ay labaduba ku shaqaynayaan xeer ka baxsan xayndaabka dastuurka Soomaaliyeed, waana nasiib daro weyn oo soo noqnoqonaysay mudooyinkaan dambe ilaa xilligii\u00a0<strong>Xasan SHiikh Max\u2019ud<\/strong>, waxaana muuqata in nin kasta u doonayo inuu dadka iyo dalka ku maamulo madaxiisa, waxaadna moodaa inay hilmaansan yihiin ama aysan garanba in dastuurka iyo qaynuunka ummad leedahay ujeeddadiisa u weyn ay tahay in laga gaashaanto in qofka mas\u2019uliyadda loo dhiibayo uu madaxiisa iyo siday qof ahaan la tahay ku maamulo dalka iyo ummadda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxaan aad ugu faraxsanaa in\u00a0<strong>Max\u2019ed Cusmaan Jawaari<\/strong>\u00a0laga qaado Af-hayeenimmadii barlamaanka, run ahaantiina waxay ahayd tallaabo aad loogu baahnaa, hasa yeeshee sida hadda muuqata arrintu ma ahayn in wax laga qabto ama wax laga bedelo ku tumashadii dastuurka iyo musuqmaasuqii \u00a0hareeyay golaha shacabka xilligii Jawaari, Waxayana arrintu hadda maraysaa\u00a0<strong>Ka Daroo Dibi Dhal!\u2026.\u00a0<\/strong>KHayre\u00a0 iyo Farmaajo waxay la noqotay inay keensadaan Af-Hayeen waxay iyagu rabaan qaynuunka dalka ka dhiga, sida muuqatana arrintaas waxba ugama suuro gelin aan ahayn inay xiisad siyaasadeed oo hor leh ay dalka geliyeen, waxaana arrin lala yaabo ah in madaxda dowladda ay waxaas oo dhan ugu qiimaysan yihiin guulo siyaasadeed ay gaareen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Sida hadda muuqata dowladdu waxay siyaasad ka dhigatay mu\u2019aamaraad in loo mareego hadba meeshii ay dan ka yeelato sidii ay tahay dowlad shisheeye\u00a0 oo aan dalka lahayn!<\/strong>\u2026Waa qaabkii ay u adeegsatay\u00a0<strong>Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad<\/strong>, waa qaabkii ay u adeegsatay\u00a0<strong>SHariif Xasan SHiikh Aadan<\/strong>, uma jeedo inaan taageersannahay siyaasaddii nimankaas, laakiin giddigood waxaa xilka looga qaaday qaab khayaano, wax is-daba marin, dad isku diris ah iyo musuqmaasuq aan waxba loo aabo yeelayn! Ilaa iyo hadda\u00a0<strong>Gal-Mudug<\/strong>\u00a0waa degi la\u2019dahay, kaaga daranee mar walba waa heshiinayaan hadana waa la dhex gelayaa!\u2026 Waa qaab\u00a0 dhagar iyo khayaano ah! Waana qaabka ay hadda\u00a0<strong>Farmaajo iyo KHeyre ku kala direen Guddigii Maaliyadda ee Golaha SHacabka.<\/strong>Dowladdu waxay u timid\u00a0<strong>maamulo goboleedo<\/strong>\u00a0ku dhisan oo ku taagan qodob sharci ah, qodob dastuuri ah, qodob ummaddu ku heshiisay oo laysku raacay si ku-meel- gaar ah, walina sugayay in dadka Soomaaliyeed u codeeyaan, dowladdu meeshii ay ka shaqayn lahayd inay dardar geliso sidii loo suuro gelin lahaa in loo codeeyo dastuurka iyo nidaamka federalism-ka waxay hawsheedii ka bilowday inay dagaal aan la sugayn oo siyaasadeed dalkii geliso,\u00a0<strong>Cabdi-Xakiim Cabdullaahi Cameey<\/strong>, siyaasadda uu hadda la dhex joogo\u00a0<strong>Puntland\u00a0<\/strong>waa qayb ka mid ah siyaasadahaas.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waqtigan la joogo \u00a0Xukuumadda Federal-ka maxay ka wadaa magaallada\u00a0<strong>Baydhabo<\/strong>?! Ciidamo aan ujeeddadooda la cadayn bay xukuumaddu geysay, maamulka Koonfur Galbeedna uusan codsan keenistooda,\u00a0<strong>SHiikh Mukhtaar Roobow<\/strong>\u00a0bay xukumadda federal-ka is hor taagtay inuu madaxnimmada maamulkaas u tartamo iyadoo aan sheegayn sababta!\u00a0<strong>Al-SHabaab<\/strong>\u00a0inuu ahaa waa lagu ogaa, waa lala heshiiyay, waliba cafis baa loo fidiyay, maxaa cusub oo is bedelay? Dagaal-Oogayaashii, burburka dalka maanta ka jira u sababta ahaa baa xil-dhibaano noqday, oo waziiro noqday, maxay iyaga iyo\u00a0<strong>Roobow<\/strong>\u00a0ku kala duwanyihiin? isagaaba cafis loo fidiyay\u2026.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Cameey<\/strong>\u00a0muddo dheer buu wuxuu ku sugnaa hotel ku yaala\u00a0 magaallada<strong>\u00a0Muqdisho<\/strong>\u00a0isagoo soo cidleeyay xafiiskiisii iyadoo aan la sheegin sababaha uu u joogay halkaas, hasa yeeshee waxaa jiray warar soo baxayay oo kala duwan laakiin ku midaysnaa inuu marti Sharaf u ahaa madax-weynaha iyo ra\u2019iisal wazaaraha isla markaasna ay isla meel dhigeen talooyin ku aaddan siday suuro gal u noqon lahayd in doorashada Puntland ee soo socota madaxda imaanaysa ay noqdaan kuwo iyaga ay keeneen isagana\u00a0<strong>(Cameey)<\/strong>\u00a0uu noqdo marinkii lagu gaari lahaa taas! Hadalkaas horay u soo baxay iyo dhaqanka uu\u00a0<strong>Cabdi-Xakiim Cameey<\/strong>\u00a0kala yimid\u00a0<strong>Muqdisho<\/strong>\u00a0waxaan shaki ku jirin inay is macnaynayaan, \u00a0<strong>Cameey,<\/strong>\u00a0markii hore wuxuu ka bilaabay ama uu taagnaa inaysan jirin wax maamul goboleed la yiraahdo, waxa jirana ay yihiin \u201cHarraadi\u201d sida uu hadalka u yiri, hasa ahaatee hadda waxay maraysaa inuu harraadigii ku qabsado guddiyadii khilaafaadka doorashada, tallaabadan cusub ee ku qabsashada ah waxaad moodaa inuu u arkay marin gaaban oo ka bilaabi karayo qorshaha barnaamijkii uu kala yimid\u00a0<strong>Muqdisho<\/strong>, laakiin wuxuusan garan in maamulka Puntland, iyo maamul gobleeddada kalaba dastuuri yihiin oo waliba uu isaguna sidaas madax ku ahaa, \u00a0wuxuuna sida muqata u soo bowdyo qaawistay inuu dumiyo maamul ummadda Soomaaliyeed leedahay oo isaga ammaano ku ahaa, \u00a0oo u soo bareeray inuu hagardaameeyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Itoobiya ayaa ka dambaysa,\u00a0<\/strong><strong>qorshaha duminta M\/Goboleeddada!<\/strong><\/p>\n<p>Guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan sidii ay horay uga socon lahaayeen meesha ay maanta soo gaareen. Maamul goboleedada, hankii loo qabay kama muuqdo, siiba\u00a0<strong>Puntland\u00a0<\/strong>oo ay shantii sano oo u dambaysay ay ku habsatay\u00a0<strong>balaayo<\/strong>\u00a0aan horay u soo marin nooceeda.\u00a0 Maamul-goboleeddadu \u00a0waxay ahaayeen xubinta keliya ee muddooyinkaan dambe xukuumadda federal-ka ah ku xakamaynaysay inay u hoggansanto dastuurka dalka inkastoo ay xukuumaddu ku xad-gudubtay qaybo ka mid ah xuquuqdii dastuuriga ahaa ee maamul goboleeddada, hadana markii ay xukuumaddu barlamankii ka dhigtay fadhiid aan waxba ku toornayn waxaa in badan cadaadis ku hayay maamul-goboleeddada, waxaana loo baahanayahay in shacabku intaas garto oo ay taageero buuxdo siiyaan maamul goboleeddada, iyagoo mar kasta taageeradooda ku salaynaya dastuurka dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Waxaa fiiro gaar ah u baahan iyo qeexitaan inaan shacabku wax ku qiimayn dalalka shisheeyaha ah taageradooda siyaasadeed iyo taageero la\u2019aantooda<\/strong>, maxaa yeelay taageerrada Itoobiya ay taageerayso dowladda Soomaaliyeed ama maamul goboleed ma ah mid wax laga weydiinayo ama loogu danaynayo qof Soomaali ah, ayaamahan waxaa aad u socda warar lagu jah-wareerinayo dad-weynaha oo la leeyahay maamul goboleeddadii dowladihii aduunka baa diiday!\u2026oo hadday diideenna?! Waxaa arrin lagu qosla ah in xukuumadda Soomaaliya arrintan ay ku macnayso horumar ay ka gaartay xagga xiriirka ay la leedahay dalalka shisheeyaha ah\u00a0<strong>laakiin ay runtu tahay in Itoobiya oo ka hor tegaysa<\/strong>\u00a0jiritaanka awood siyaasadeed oo diidi karta ama wax ka oran karta heshiisyada qarsoodiga ah ee ay ka saxiixatay\u00a0<strong>Farmaajo<\/strong>\u00a0ay iyadu kala shaqaynayso xukuumadda burburinta maamul goboleeddada!\u2026 madaxda maamul goboleeddada oo uu ugu horeeyo\u00a0<strong>Cabdi Xakiim Cameey<\/strong>\u00a0<strong>iyaguna waa inay intaas gartaan oo aysan ummadda mar labaad burbur dib ugu celin!\u2026Cabsi iyo fuleynimana xaaladda dalka ka jirta boos ugama bannaana, waxayna ku quruxsanayd Cameey inuu is cazilo oo xukuummadda federal-ka ku biiro isagoo aan qalqal iyo xiisad gelin ammaannadii ay ummaddu u dhiibatay\u2026xil-dhibaannada cusubna ha ka digtoonaadaan ragga Itoobiya iyo Farmaajo ay soo maal gashadeen!<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>W\/Q: Axmed-Yaasiin Max\u2019ed Sooyaan<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Axmed-Yaasiin Max\u2019ed Sooyaan Cameey: Juxihii laantuu ku fadhiyay goynayay! Waqtigan aan joogno dalka Soomaaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56122,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-56206","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1307,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56206","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=56206"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56206\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56207,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56206\/revisions\/56207"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/56122"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=56206"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=56206"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=56206"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}