{"id":56746,"date":"2018-12-21T13:36:16","date_gmt":"2018-12-21T12:36:16","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=56746"},"modified":"2018-12-21T13:36:32","modified_gmt":"2018-12-21T12:36:32","slug":"akhriso-xildhibaanadii-mooshinka-madaxweynaha-keenay-oo-soo-bandhigay-qodobadii-ay-mooshinka-ula-noqdeen","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=56746","title":{"rendered":"Akhriso Xildhibaanadii Mooshinka madaxweynaha keenay oo soo bandhigay qodobadii ay mooshinka ula noqdeen"},"content":{"rendered":"<p>21 Dec 2018 (Puntlandes)\u00a0Hoos ka akhriso Xildhibaanadii Mooshinka madaxweynaha keenay oo shalay la noqday oo maanta soo bandhigay qodobadii ay mooshinka ula noqdeen:<\/p>\n<p><strong>Golaha Shacabka<\/strong><br \/>\nKutlada Badbaado Qaran (NSC)<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-56343\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f.jpg\" alt=\"\" width=\"605\" height=\"454\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-768x576.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/133f-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 605px) 100vw, 605px\" \/><\/a><\/p>\n<p>WAR MURTIYEED<\/p>\n<p>21Ka Diisembar 2018. Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhowris la\u2019aanta sharciga ee hogaanka talada haya, waxay cadaynayaan in ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka dib dedaal Guddoomiyaha Golaha Shacabku ku bixiyay in soo-jeedinta xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lagu xaliyo wada xaajood.<\/p>\n<p>Xildhibaanada keenay soo-jeedintu, iyagoo tix gelinaya odeyaynta, is-xilqaanka iyo dareenka<br \/>\nmas\u2019uuliyadeed ee Guddoomiyaha isla markaana mudnaan gaar ah siinaya xasiloonida<br \/>\nsiyaasadeed ee dalka, waxay wadaxaajood uu Guddoomiyuhu gar wadeen ka yahay ka galeen soojeedinta xil ka qaadista Madaxweynaha. Lafo-gur dheer ka dib, waxaa la isku fahmay in<br \/>\nxildhibaanadu soo jeedinta la noqdaan, Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan<br \/>\nqodobada hoos ku xusan:<\/p>\n<p>1. In madaxbanaanida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la ixtiraamo lana joojiyo wax kasta<br \/>\noo faro gelin ah oo ka hor istaagi kara in ay si hufan ula xisaabtamaan laanta fulinta ee<br \/>\nJamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;<\/p>\n<p>2. In xukuumaddu dhowrto xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ay u leeyihiin in ay<br \/>\nrayigooda u cabiraan si nabad ah gaar ahaan in ay ka waantowdo caburinta saxaafada iyo<br \/>\nsiyaasiyiinta ka ra\u2019yiga duwan;<\/p>\n<p>3. In la dhiso garsoor madaxbanaan, gaar ahaan Maxkamadda Dastuuriga, oo hanan kara<br \/>\nkalsoonida ummada Soomaaliyeed awoodna u leh xalinta is-maandhaafyada ama muranada<br \/>\nsharci ee ka dhalan kara saaxada siyaasada dalka isla markaana laga fogaado in maqnaanshaha<br \/>\nMaxkamada Dastuuriga loo isticmaalo dabar lagu hor istaagayo sareynta sharciga;<\/p>\n<p>4. In shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada amniga loo madax baneeyo hawlaha ay u hayaan<br \/>\nqaranka lagana dheeraado in loo isticmaalo danno siyaasadeed oo ay leeyihiin cida tallada<br \/>\ndalka haysa;<\/p>\n<p>5. In heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisu soo galaan la hor<br \/>\nkeeno Baarlamaanka si loo mariyo habraaca sharciga ah ee lagu ansixiyo ama looga doodo<br \/>\nheshiisyada;<\/p>\n<p>6. In go\u2019aankii Baarlamanku ka gaaray Qalbi Dhagax la fuliyo Madaxweynahuna raali gelin<br \/>\nrasmi ah ka bixiyo u gacan gelinta shisheeye ee muwaadin Soomaaliyeed oo difaaca dalkiisa<br \/>\nhalgan dheer oo sharaf iyo karaamayn mudan usoo galay. Isla markaa waa in xukumadduna ka<br \/>\nlaabto raali geilna ka bixiso asteyntii sharci darrada ahayd ee ONLF lagu tilmaamay<br \/>\nargagixiso;<\/p>\n<p>7. In doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya<br \/>\naan marnaba dib loo dhigin ee lagu qabto waqtigooda oo ku aadan bisha Diisembar ee sanadka<br \/>\n2020ka;<\/p>\n<p>8. In laga waantoobo faro gelinta maamul goboleedyada lana ixtiraamo xaqa ay u leeyihiin ka<br \/>\ntalinta arimahooda guddaha oo ay ugu muhiimsanyihiin doorashooyinka: waana in laga hawl<br \/>\ngalo daweynta boogaha khilaafka Koonfur Galbeed si looga hor tago in aanay ka faa\u2019iidaysan<br \/>\nkooxaha argagixisadu.<\/p>\n<p>9. In mudnaan gaar ah la siiyo midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, wada haddaladii<br \/>\nSomalilandna dib loo billaabo, isla markaana laga dheeraado cadaadiska iyo cago-jugleynta<br \/>\ndiblomaasiyadeed ee keeni kara in la kala fogaado;<\/p>\n<p>Haddaba anaga oo rajeynayna in qodobada kor ku xusan sida ugu dhakhsaha badan loo hir gelin<br \/>\ndoono, waxaanu shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa in haddii ay fuli waayaan aanu qaadi<br \/>\ndoono talaabada ku haboon sharcina ah ee nala gudboon.<\/p>\n<p>DHAMAAD<\/p>\n<p>Kudlada Badbaado Qaran waa dallad ay ku mideysanyihiin xildhibaano ka tirsan<br \/>\nxisbiyada Nabada, Ileys, Himilo Qaran, UPD, iyo xildhibaano kale oo madaxbanaan<br \/>\nYour Sincerely<br \/>\nDr Abdifatah Ismael Tahir<br \/>\nSpokes Person (NSC)<br \/>\nT: +252 615 800087<br \/>\nE: abdifatah.tahir@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-56747\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c.png\" alt=\"\" width=\"675\" height=\"818\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c.png 733w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c-248x300.png 248w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c-292x354.png 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c-638x773.png 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 675px) 100vw, 675px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-56748\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1.png\" alt=\"\" width=\"670\" height=\"809\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1.png 735w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1-248x300.png 248w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1-292x353.png 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2018\/12\/136c1-638x771.png 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 670px) 100vw, 670px\" \/><\/a><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>21 Dec 2018 (Puntlandes)\u00a0Hoos ka akhriso Xildhibaanadii Mooshinka madaxweynaha keenay oo shalay la noqday oo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56343,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-56746","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1943,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56746","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=56746"}],"version-history":[{"count":4,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56746\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56755,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/56746\/revisions\/56755"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/56343"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=56746"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=56746"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=56746"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}