{"id":59306,"date":"2019-04-06T11:58:37","date_gmt":"2019-04-06T09:58:37","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59306"},"modified":"2019-04-06T11:58:37","modified_gmt":"2019-04-06T09:58:37","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-eritrea-lataliyaha-madaxweynaha-eritrea-oo-soo-gaaray-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59306","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea &#038; Lataliyaha Madaxweynaha Eritrea oo soo gaaray Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>06 Apr 2019 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-59307\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a.jpg 696w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164b2a-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho.<\/p>\n<div id=\"js_4vd\" class=\"_5pbx userContent _3576\" data-ft=\"{&quot;tn&quot;:&quot;K&quot;}\">\n<p>Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<\/div>\n<p>Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa.<\/p>\n<p>Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Madaxda dowladda.<\/p>\n<p>Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_bottom td_uid_4_5ca876387e660_rand td_block_template_1 \"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>06 Apr 2019 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-59306","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1195,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59306","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=59306"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59306\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59308,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59306\/revisions\/59308"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/59307"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=59306"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=59306"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=59306"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}