{"id":59435,"date":"2019-04-10T08:40:00","date_gmt":"2019-04-10T06:40:00","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59435"},"modified":"2019-04-10T12:49:33","modified_gmt":"2019-04-10T10:49:33","slug":"akhriso-war-murtiyeed-laga-soo-saaray-shirkii-hayadaha-dastuurka-uga-socday-kismayo","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59435","title":{"rendered":"Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Hay&#8217;adaha Dastuurka Uga Socday Kismayo"},"content":{"rendered":"<p dir=\"ltr\">10 April 2019 (Puntlandes) Shirkii u dhexeeyay Hay\u2019adaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-59447\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1.jpg\" alt=\"\" width=\"604\" height=\"403\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1.jpg 640w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164d1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 604px) 100vw, 604px\" \/><\/a><\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 Qodob ,hadaba Halka Hoose ka Akhriso:-<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Shir Wadatashi ah oo socday\u00a0 muddadii u dhexeysay 7 ilaa 9 Abriil 2019, laguna qabtay Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa waxaa isugu yimid Hay\u2019adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ka kooban Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddoonnada Baarlamaannada DXF, Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DXF, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada DXF iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxaa furey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Waxaa shirka lagu soo bandhigay loogana doodey cutubyada 1aad ilaa 9aad ee dib u eegista lagu sameeyey.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Haddaba dood iyo falanqayn dheer ka dib, shirka waxaa soo baxay qodobada soo socda:<\/p>\n<p dir=\"ltr\">1) Shirka waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyay horumarka laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">2) Shirku wuxuu isku raacey fulinta qorshaha latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha iyo taariikhaha laqabanayo ee ku aadan cutubyada 1aad \u2013 9aad ee dib-u-eegista lagu sameeyay.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">3) Shirku wuxuu isku raacay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo la-tashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">4) Shirka waxa uu dalbanayaa in si deg-deg ah loo hawlgaliyo Ergadii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka u soo magacaabeen ka mid noqoshada Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">5) Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadaha Federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka inay heshiis deg-deg ah ka gaaran qodobada u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed sida qodobada 54aad iyo 122aad si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirka\u00a0 Dib-u-eegista Dastuurka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">6) Shirku wuxuu dhiiri-gelinayaa sii-xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga Hay\u2019adaha Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">7) Ugu danbeyn, shirku wuxuu mahadnaq weyn u jeedinayaa\u00a0 Dawladda iyo Shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta Shirka. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, dowladaha, Hay\u2019addaha Max Planck, UNDP\u00a0 iyo hay\u2019adaha kale ee caalamiga taageeradooda ku aadan dib-ueegista dastuurka\u00a0 iyo dhameystirkiisa.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">-Dhammaad-<\/p>\n<p>Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Hay&#8217;adaha Dastuurka Uga Socday Kismayo<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/FB_IMG_1554878071052.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-59436\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/FB_IMG_1554878071052.jpg\" alt=\"\" width=\"675\" height=\"950\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/FB_IMG_1554878075512.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-59437\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/FB_IMG_1554878075512.jpg\" alt=\"\" width=\"675\" height=\"950\" \/><\/a><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>10 April 2019 (Puntlandes) Shirkii u dhexeeyay Hay\u2019adaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59447,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-59435","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1394,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59435","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=59435"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59435\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59448,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59435\/revisions\/59448"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/59447"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=59435"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=59435"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=59435"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}