{"id":59848,"date":"2019-05-02T12:17:52","date_gmt":"2019-05-02T10:17:52","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59848"},"modified":"2019-05-02T12:35:24","modified_gmt":"2019-05-02T10:35:24","slug":"ciidanka-ka-cabanaya-mushahar-laaan-oo-qabsaday-bankiga-dhexe-ee-bosaso","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=59848","title":{"rendered":"Ciidanka ka cabanaya mushahar la\u2019aan oo qabsaday Bankiga dhexe ee Bosaso"},"content":{"rendered":"<p>02 May 2019 (Puntlandes)\u00a0Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la\u2019aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-59401\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2.jpg\" alt=\"\" width=\"322\" height=\"181\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2-300x169.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2-768x432.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2-292x164.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2-638x359.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/164a1b2-400x225.jpg 400w\" sizes=\"auto, (max-width: 322px) 100vw, 322px\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"google-ad google-ad-post-content\"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8899908092030556\" data-ad-slot=\"6171986180\" data-adsbygoogle-status=\"done\"><ins id=\"aswift_3_expand\"><ins id=\"aswift_3_anchor\"><\/ins><\/ins><\/ins>Qof kamid ah shacabka magaalada, ayaa warbaahinta\u00a0saxaafadda\u00a0u sheegay in ciidanka halkaasi qabsaday ay rasaas xooggan ridayeen, taasina ay hakisay isu\u2019socodkii dadweynaha ee nawaaxiga Bankiga dhexe, islamarkaana ay khal-khal iyo jaah-wareer ku abuurtay shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.<\/div>\n<p>\u201cMarkii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu\u2019 socodkii gaadiidka baa xirmay<em>\u201d<\/em>\u00a0ayuu yiri qof goob-jooge ah.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta\u00a0u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan.<\/p>\n<p>\u201cDee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga<em>\u201d<\/em>\u00a0ayuu yiri sarkaalka.<\/p>\n<p>Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso.<\/p>\n<p>Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala \u00a0laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>02 May 2019 (Puntlandes)\u00a0Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la\u2019aan,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59401,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-59848","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1382,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59848","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=59848"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59848\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59857,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/59848\/revisions\/59857"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/59401"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=59848"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=59848"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=59848"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}