{"id":60737,"date":"2019-05-25T13:28:55","date_gmt":"2019-05-25T11:28:55","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=60737"},"modified":"2019-05-25T13:38:38","modified_gmt":"2019-05-25T11:38:38","slug":"xukuumada-soomaaliya-oo-ku-eedeysay-dawlad-goboleedyada-inay-dano-ka-leeyihiin-diidmada-sharciga-batroolka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=60737","title":{"rendered":"Xukuumada Soomaaliya oo ku eedeysay Dawlad goboleedyada inay dano ka leeyihiin diidmada Sharciga Batroolka"},"content":{"rendered":"<p>25 May 2019 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C\/rashiid Maxamed Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay diidmada ay Dawlad goboleedyada kala hor yimaadeen sharciga Batroolka, kaasoo todobaadkii hore ay meel mariyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/17a5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-60738\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/17a5.jpg\" alt=\"\" width=\"605\" height=\"351\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/17a5.jpg 610w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/17a5-300x174.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/17a5-292x169.jpg 292w\" sizes=\"auto, (max-width: 605px) 100vw, 605px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Wasiir C\/rashiid ayaa sheegay in sababta ay sharcigaas u diideen maamul goboleedyada ay tahay inay ka waayeen dano u gaar ah, wuxuuna meesha ka saaray dooda madaxda maamul goboleedyada ee ah inaan laga tala gelin sharciga.<\/p>\n<p>\u201cSharciga waan la wadaagnay, waana ka talo gelinay maamulada, Inta doodeysa ee ka soo horjeesatay waxay doonayaan waxyaabo gaar ah\u201d ayuu yiri Wasiir C\/rashiid oo la hadlay TV-ga ku hadla afka dowladda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Halkaan ka daawo waraysiga oo dhamaystiran<br \/>\n<script>window.fbAsyncInit = function() {\n    FB.init({\n        xfbml      : true,\n        version    : 'v2.3'\n    });\n    }; (function(d, s, id){\n        var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];\n        if (d.getElementById(id)) {return;}\n        js = d.createElement(s); js.id = id;\n        js.src = \"\/\/connect.facebook.net\/en_US\/sdk.js\";\n        fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);\n    }(document, 'script', 'facebook-jssdk'));<\/script><\/p>\n<div class=\"fb-video\" data-href=\"https:\/\/www.facebook.com\/mahdi.y.ali.3\/videos\/10156931009643941\/\" data-width=\"500\" data-allowfullscreen=\"true\"><\/div>\n<p>Dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo diidmo kala horyimid sharcigan waxey baaq u jeediyeen beesha Caalamka, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneyn sharcigan oo Xukuumada kaligeed ay si gaar ah u maamulatay.<\/p>\n<p>Somaliland oo ka mid ah maamulada ka hadlay sharcigan ayaa iyaguna dhankooda sheegay inaanu waxba ka quseyn tallaabada ay qaadeen Baarlamananka Soomaaliya, ayna dar dar gelinayaan howlaha ku aadan soo saarista shidaalka.<\/p>\n<p>Ansixinta Sharciga Batroolka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo bisha November ee sanadkan la filayo in la bilaabo bixinta ama xaraashka Blocks (xirmooyin Shidaal) goobaha shidaalka laga sahmiyay oo Shirkadaha Shidaalka ay iibsan doonaan, si ay u bilaabaan shidaal baarista, waxaana Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra\u2019iisul Wasaare Khayre la sheegaa inay dano badan ka leedahay sharcigan, maadaama bishii February uu magaalada London ka dhacay shir lagu soo bandhigay sahankii Shidaal ee laga sameeyay Xeebaha iyo dhulka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>25 May 2019 (Puntlandes)\u00a0Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya C\/rashiid Maxamed Axmed ayaa markii u horeysay ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":60738,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-60737","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1194,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/60737","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=60737"}],"version-history":[{"count":4,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/60737\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60742,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/60737\/revisions\/60742"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/60738"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=60737"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=60737"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=60737"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}