{"id":66506,"date":"2020-01-18T12:33:58","date_gmt":"2020-01-18T11:33:58","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=66506"},"modified":"2020-01-18T12:33:58","modified_gmt":"2020-01-18T11:33:58","slug":"akhriso-baaq-digniin-ah-oo-musharaxiinta-madaxweynaha-galmudug-ka-soo-saareen-doorashada","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=66506","title":{"rendered":"Akhriso Baaq digniin ah oo Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ka soo saareen doorashada"},"content":{"rendered":"<p>18 Jan 2020 (Puntlandes) Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee xulafada ah C\/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, C\/llaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Gutaale ayaa soo saaray baaq ku saabsan mowqifkooda ku aadan hannaanka doorashada Madaxweynaha.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-66378\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1.jpg\" alt=\"\" width=\"677\" height=\"451\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1.jpg 696w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/8a9a1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 677px) 100vw, 677px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Baaqa ay soo saareen oo ka koobnaa 6 qodob ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen tallaabooyinkii iyo geeddi socodka arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay bannaanka u soo baxeen xadgudubyo lagula kacay Odayaasha dhaqanka Galmudug, ayna jirtay wax is daba marin la xiriira hannaankii loo soo xulay Xildhibaannada, dhinac u janjeerka Guddiga Farsamada iyo Guddigii Baarlamaaniga ahaa ee maamulay doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka ee dhacday 17-kii bishan Janaayo ee shalay, iyo faragelinta muuqata ee ka imaaneysa Madaxda dowladda Federaalka oo masiirka Galmudug ku jaangooyay rabitaankooda iyo sidii ay u soo saari lahaayeen Musharaxiin ay wataan.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Dhuusamareeb la dhigay jidoogooyin lagu xanibayo\u00a0 isu socodka taageerayaasha iyo ololayaasha Musharaxiinta iyo dhibaatooyin lagala kulmo qabashada kulamada ololaha doorashada taasoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka.<\/p>\n<p>Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii sida ay wax u socdaan waxba laga bedelin xanibaadda iyo is hor-taagga Xildhibaanada lagu sameynayo inay arkaan Musharaxiinta si xor ah, waxaa adkaaneysa in aanay marqaati beenaale ka noqdaan doorasho ku shubasho ah oo aan reer Galmudug u hosaasino, dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo aan ka turjumeyn hankooda.<\/p>\n<p>Waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo handadaada iyo xanibaada Xildhibaanada, lana siiyo fursad, sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo waqti dedejinta doorashada lana siiyo Xildhibaanada muddo 21 maalmood, si ay ula kulmaan si xor ahna una kala bartaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso Baaqa<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-66507\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7.jpg\" alt=\"\" width=\"661\" height=\"960\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7.jpg 661w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7-207x300.jpg 207w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7-292x424.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b7-638x927.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 661px) 100vw, 661px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-66508\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a.jpg\" alt=\"\" width=\"682\" height=\"960\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a.jpg 682w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a-213x300.jpg 213w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a-292x411.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/9b9a-638x898.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 682px) 100vw, 682px\" \/><\/a><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>18 Jan 2020 (Puntlandes) Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee xulafada ah C\/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, C\/llaahi&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66378,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-66506","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1311,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66506","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=66506"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66506\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66509,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66506\/revisions\/66509"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/66378"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=66506"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=66506"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=66506"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}