{"id":66855,"date":"2020-02-09T11:11:55","date_gmt":"2020-02-09T10:11:55","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=66855"},"modified":"2020-02-09T11:11:55","modified_gmt":"2020-02-09T10:11:55","slug":"akhriso-sharciga-batroolka-uu-saxiixay-madaxweynaha-ma-soo-marin-habraaca-sharci-dejinta","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=66855","title":{"rendered":"Akhriso: Sharciga Batroolka uu saxiixay Madaxweynaha ma soo marin habraaca sharci dejinta"},"content":{"rendered":"<p>09 Feb 2020 (Puntlandes)\u00a0Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Aqalka Sare soo gudbiyay 8-dii bishii Janaayo, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha 8-dii February 2002 ee shalay aysan soo marin habraaca sharci dejinta dalka.<\/p>\n<p><strong><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-66830\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f.jpg\" alt=\"\" width=\"587\" height=\"391\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/12f-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 587px) 100vw, 587px\" \/><\/a><\/strong><\/p>\n<p>Qoraal uu Mahad Salaad u diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Garyaqaanka Guud ee dalka ayuu ku sheegay in sharcigaas aanu waafaqsaneyn dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad u diray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Garyaqaanka Guud:<\/strong><\/p>\n<p>Sharciga Batroolka Ee Aqalka Sare Soo Gudbiyey 8 Jannaayo, 2020, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Saxiixay 8 Febaraayo, 2020 Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ku: Madaxweynaha JFS<br \/>\nKu: Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS<br \/>\nKu: Garyaqaanka Guud JFS<\/p>\n<p>Og: Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS<br \/>\nOg: Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS<br \/>\nOg: Shirkadaha Sahmiya ama Daneeya Batroolka<\/p>\n<p>Mudane Madaxweyne,<\/p>\n<p><strong>Sida cad qodobka 87aad Dasuurka<\/strong>\u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waa Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi\u2019da asaasiga ah ee Dastuurka KMG ah. Wuxuuna xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Sida ku cad qoddobada 4aad iyo 55aad Dastuurka:<\/strong>\u00a0Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go\u2019aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. Sidoo kale Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka waa hay\u2019adda sharci-dejin ee dalka ugu sareysa waxayna masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan\u00a0<strong>Madaxa Afraad ee Dastuurkan ee ku saabsan habraaca sharci-dejinta heerka Qaran.<\/strong><\/p>\n<p>Iyada oo ay sidaas tahay ayuu\u00a0<strong>Golaha Aqalka Sare<\/strong>\u00a0wuxuu soo gudbiyay\u00a0<strong>Sharciga Batroolka ee tirsigiisu yahay Tix: GAS\/B-10\/KF6\/09\/2020<\/strong>\u00a0kuna taariikheysan\u00a0<strong>06 Janaayo 2020 ka dib markii fadhiga Golaha oo ay soo xaadireen 28 mudane (Senators) ay 24 mudane kaliya ogol ugu codeeyeen halka afar (4) mudane ay diidmo ugu codeeyeen.<\/strong><\/p>\n<p>Hadaba, Codeyntani waxay qilaafsan tahay dastuurka iyo hanaanka sharci-dejinta dalka.\u00a0<strong>Qodobka 76aad (2) Dastuurka<\/strong>\u00a0wuxuu xeerinaya sidan:\u00a0<em><strong>\u201cHaddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go\u2019aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha Aqalka\u201d<\/strong><\/em>.<\/p>\n<p><strong>Sida ku cad qodobkan,<\/strong>\u00a0Shuruucda Aqalka Sare soo gudbinayo waxay ku ansaxaan marka ay ogolaadaan ugu yaraan 28 mudane ee xubnaha Aqalka Sare ah\u201d.\u00a0<strong>Sidaas daraadeed Sharcigan Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa sharci daro ahayd codeyntii loo sameeyey Soojeedintii (mooshinkii) mudaneyaasha Aqalka Sare ay kulanka bilowgiisii ku dalbadeen in sidiisa loo qaato waxka-bedelkii sharciga ee Golaha Shacabka ka soo gudbay isaga oo aan waxba laga bedelin taas oo iyaduna khilaafsan xeerhoosaadka Aqalka Sare\u00a0<strong>sida ku cad qodobka 34aad (6) ee xeerhoosaadka Aqalka Sare.<\/strong><\/p>\n<p>Sidoo kale, sharcigaan waxa diiday xubnaha Golaha Aqalka Sare ku matala mid ka mid ah Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;\u2028taas oo ah sabab lagu duri karo ansaxa iyo dhaqangelidda sharcigan,\u00a0<strong>sida ku cad qoddobka 86aad (2) ee Dastuurka KMG ah.<\/strong><\/p>\n<p>Sidaas daraadeed, maadaba sharcigani leeyahay daldaloolo badan oo dastuuri ah waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonka Aqalka Sare in Hindise-Sharciyeedkan Batroolka dib loogu soo celiyo Golaha Aqalka Sare si loo marsiiyo habraaca sharci-dejinta ee ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in uusan ku soo saarin sharcigan\u00a0<strong>FAAFINTA RASMIGA<\/strong>\u00a0ah ilaa iyo inta laga marsiinayo habraaca sharci-dejinta Dalka.<\/p>\n<p>Hadaba, aniga oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaan uga digayaa shirkadaha caalamiga ah iyo wadamada shisheeye ee daneeya maalgashiga kheyraadka Soomaaliya in aysan ku kedsoomin cuskashada Hindise-Sharciyeedkan Batroolka ee aan weli noqon sharci meelmar ah oo waafaqsan Dastuurka KMG ah.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, waxaan si qayaxan u sheegayaa in heshiis kasta oo aan ku salaysneyn sharci soo maray Goleyaasha sharci-dejinta BFS si waafaqsan Dastuurka KMG ah uu yahay wax kama jiraan, cid kasta oo ku lug yeelatana ay ku kacday boob iyo xatooyo HANTI QARAN, waxaana lala tiigsan doono sharciyada dalkeena iyo xeerarka kale ee caalamiga ah.<\/p>\n<p>Mahadsanidiin.<\/p>\n<p><strong>Xil. Mahad Salad<\/strong><br \/>\n<strong>Golaha Shacabka<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>09 Feb 2020 (Puntlandes)\u00a0Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66830,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-66855","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1363,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66855","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=66855"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66855\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66856,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/66855\/revisions\/66856"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/66830"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=66855"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=66855"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=66855"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}