{"id":68223,"date":"2020-04-12T11:28:55","date_gmt":"2020-04-12T09:28:55","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=68223"},"modified":"2020-04-12T11:28:55","modified_gmt":"2020-04-12T09:28:55","slug":"daawo-video-madaxweyne-farmaajo-oo-ugu-hambalyeeyay-ciidanka-xoogga-dalka-soomaaliyeed-sanad-guurada-60-aad","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=68223","title":{"rendered":"Daawo Video:  Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed sanad-guurada 60-aad"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, Abriil 12, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-68224\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a.jpg\" alt=\"\" width=\"531\" height=\"392\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a-300x222.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a-768x567.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a-292x216.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/8a4a-638x471.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 531px) 100vw, 531px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo<span class=\"text_exposed_show\">\u00a0leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.<\/span><\/p>\n<div class=\"text_exposed_show\">\n<p>\u201cCiidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go\u2019an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<\/div>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/Es0aG_KyZfs\" width=\"680\" height=\"572\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><span data-mce-type=\"bookmark\" style=\"display: inline-block; width: 0px; overflow: hidden; line-height: 0;\" class=\"mce_SELRES_start\">\ufeff<\/span><\/iframe><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, Abriil 12, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68224,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-68223","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1000,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/68223","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=68223"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/68223\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68225,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/68223\/revisions\/68225"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/68224"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=68223"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=68223"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=68223"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}