{"id":69831,"date":"2020-06-15T22:33:59","date_gmt":"2020-06-15T20:33:59","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=69831"},"modified":"2020-06-15T22:33:59","modified_gmt":"2020-06-15T20:33:59","slug":"beesha-caalamka-oo-ku-baaqday-in-si-degdeg-ah-loo-qabto-shirka-dfs-iyo-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=69831","title":{"rendered":"Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo qabto shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada"},"content":{"rendered":"<p>15 Juni 2020 (Puntlandes)\u00a0Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay soo jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shir gogol-xaar ah uu si hordhac ah ugu qabsoomi doono khadka internetka, gaar ahaan aalada la iska arko ee Zoom-ka loo yaqaano.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-69832\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3.jpg\" alt=\"\" width=\"567\" height=\"386\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3-300x204.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3-292x199.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6f3-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 567px) 100vw, 567px\" \/><\/a><br \/>\n<script async src=\"\/\/pagead2.googlesyndication.com\/pagead\/js\/adsbygoogle.js\"><\/script><br \/>\n<!-- Dag 3 --><br \/>\n<ins class=\"adsbygoogle\" style=\"display: block;\" data-ad-client=\"ca-pub-8768417643189214\" data-ad-slot=\"1933880084\" data-ad-format=\"auto\"><\/ins><br \/>\n<script>\n(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});\n<\/script><br \/>\n\u201cWaan bogaadinaynaa dadaalkan lagu xoojinayo wadashaqaynta laguna kobcinayo is-fahamka iyo is-afgaradka\u201dayaa lagu yiri war saxaafadeedka.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa loogu baaqay Madaxda Soomaaliyeed inay ka faa\u2019ideystaan fursaddan, si ay ugu heshiiyaan wadiiqada horay loogu ambaqaadayo arrimaha hortabinta u leh Qarankaoo ay ku jiraan doorashooyinka, si loogu daneeyo dhammaan dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa qiraynaa dadaallada kale ee dhowaan ay sameeyeen wakiilada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, dadaalladaas oo gacan ka geysatay dhidibbo u aasidda wadahadalkan, Waxaan boorinaynaa in si dhakho leh loo abaabulo, si dib-u-dhac la\u2019aan ah, kulamadan Khadka internetka lagu qabanayo iyo kuwa u dhacaya sida fool-ka-foolka ah, ee lagu dhaqaaqay maanta\u201dayaa lagu yiri War saxaafadeedka.<\/p>\n<p>War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay dadaalada joogtada loo galay ee wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, isu tanaasulka ka dhaxeeya Madaxda siyaaasadeed, sidoo kale baadigoobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed, iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto arrinta Jubbaland.<br \/>\n<script async src=\"\/\/pagead2.googlesyndication.com\/pagead\/js\/adsbygoogle.js\"><\/script><br \/>\n<!-- Dag 3 --><br \/>\n<ins class=\"adsbygoogle\" style=\"display: block;\" data-ad-client=\"ca-pub-8768417643189214\" data-ad-slot=\"1933880084\" data-ad-format=\"auto\"><\/ins><br \/>\n<script>\n(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});\n<\/script><br \/>\nBeesha Caalamka ayaa sheegtay inay marqaati ka noqon doonto dardar gelinta arrimaha mudnaanta iyo hortabinta u leh qaranka, iyadoo\u00a0loo marayo iskaashi dib loo soo cusbooneysiiyo oo dhex mara Soomaaliya madaxdeeda, ayna diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalada lagu horumarinayo siyaasad loo dhan yahay lana ilaaliyo Midnimada dalka.<\/p>\n<p><em><strong>Ugu dambeyn war saxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), Qaramada Midoobay.<\/strong><\/em><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>15 Juni 2020 (Puntlandes)\u00a0Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay soo jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69832,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-69831","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1196,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/69831","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=69831"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/69831\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69833,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/69831\/revisions\/69833"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/69832"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=69831"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=69831"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=69831"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}