{"id":70091,"date":"2020-06-24T18:20:04","date_gmt":"2020-06-24T16:20:04","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=70091"},"modified":"2020-06-24T18:20:04","modified_gmt":"2020-06-24T16:20:04","slug":"taariikh-nololeedkii-aun-marxuum-sarreeye-guuto-cabdirisaaq-sh-cismaan-axmed-cigan-calibaaddiye","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=70091","title":{"rendered":"TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sh Cismaan Axmed-Cigan (CaliBaaddiye)"},"content":{"rendered":"<p>Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10 km qiblada uga beegan Bookh 1948. Magaalada Bayra ayuu qur&#8217;aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu Dugsiga Hoose ilaa Fasalka 4aad ku qaatay.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6s9a.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-70092\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6s9a.png\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"521\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6s9a.png 504w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6s9a-169x300.png 169w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/06\/6s9a-292x518.png 292w\" sizes=\"auto, (max-width: 294px) 100vw, 294px\" \/><\/a><\/p>\n<p>1962 ayuu Gaalkacayo ugu wareegay dhammaystirka Dugsiga Hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad Dugsiga Dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytay 8aad; kaddibna Dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu Dugsiga Sare uga baxay.<\/p>\n<p>June 1967 ayuu tartanka Layli Sarkaal ugu baxay Dalkii Midowga Soofiyeeti. Magaalada Odensa ee hadda Ukrain noqotay ayuu Akadeemiyada Saraakiisha, Qaybta Hoggaaminta iyo Farsamada Tanks uga baxay 1970.<\/p>\n<p>Tababarka Commandos ayuu Hiilweyne (Balcad) ku qaatay waxaana loo magagaabay Abbaanduulaha (Taliye Xigeen) Ururkii Tanks-ka Bulobarde halkaas oo uu kula kulmay xaaskii carruurta waaweyn Murwo Shamso Maxamed-Carab Faarax Shuuriye (Beerlula &#8211; gabadha heesta Beledweyn loo qaaday).<\/p>\n<p>Horraantii 1973 ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 8aad ee Tankiga Nooca T54 oo dalka ku cusbaa Dararweyne (18 km north of Hargaysa).<\/p>\n<p>1974 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gar-adag taasoo uu Ceelafweyn wareejiyey ilaa maanta propaslkiisii iyo Amar Gobol (Regional Decree) oo Cadde Muuse Xirsi (Guddoomiyehii Gobolka Sanaag silligaas saxiixay.<\/p>\n<p>1976 ayaa loo magacaabay\u00a0 Taliyaha Waaxda Tababarka Hoggaaminta iyo Farsamada Taangiyada ee Kulliyaddii Saraakiisha ee Jaalle Siyaad.<\/p>\n<p>Jan. 1977 ayaa loo magacaabay isaga oo G\/Dhexe ah Taliyaha Jabhaddii Liibaan ee Soomaali Abbow, halkaas oo uu qabtay ilaa Caasimadda Gobolka Sidaamo Awaasa oo Nagele 120 km xagga Addis Ababa ka xigta.<\/p>\n<p>Soo noqoshadii Ciidamada Soomaaliya May 24, 1978 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe oo ay \u00a0Caasimaddu Dujuma ahayd markaas.<\/p>\n<p>Isagoon wali gaarin Dujuma ee Baydhabo jooga ayaa Inqilaabkii Kacdoonka Bulsho ee 9 April dhicisoobey, 10kii April 1978 ayaana laga soo xiray Baydhabo.<\/p>\n<p>Qarqooshkii Kalitaliska Somalia boolida ku haystey waagaas ayaa 30 sano xabsi xaq darro ah ku xukumay kaasoo uu Godka Laanta Buur &#8211; Afgooye ku jirey ilaa 18kii Nov. 1989.<\/p>\n<p>Kaddib wuxuu usoo wareegay Gaalkacayo, Ka Xorayntii Gaalkacayo ee USC wuxuu hoggaamiyey Guuto 2aad oo aagga Shilaabo ilaa Balanbal ka saartay USC.<\/p>\n<p>22 Feb. 1991 ayaa Guddoomiyihii SSDF Janan Maxamed Abshir Muuse uga magacaabay Maamulkii Woqooyi Bari Somalia Muddiirka Gaashaandhigga.<\/p>\n<p>Muddadii dibu habaynta wuxuu ka mid ahaa Taliska Xaaladda Deg Degga ah ee Difaaca Woqooyi\/Puntland. Wuxuu ka qaybqaatay Heshiisiintii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse iyo Midayntii Ciidamada .<\/p>\n<p>2008 ayaa AUN madaxweyne Cadde Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidamada Daraawishta Puntland taasoo uu mudo yar kaddib iska casiley isagoo diidey inuu ciidamo Beelo u qaybsan hoggaamiyo. Intii muddadaas ka dambeysey Difaaca Gobolka Mudug iyo Xasilinta ayuu u go&#8217;ay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Marxuumka ayaa Ku geeryooday Degmada Qabri bayax oo ka sokeysa Xeradii Taarikhiga ahayd ee Garba Case.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maanta ayaana lagu aasi doonaa Degmada Bokh Gobolka Dollo DDSI.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxaana kasoo qayb galay wufuud aad u tira badan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>WQ: Mohamed Indhacadde<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10 km qiblada uga beegan Bookh 1948. Magaalada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":70092,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-70091","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":2099,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/70091","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=70091"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/70091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":70093,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/70091\/revisions\/70093"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/70092"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=70091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=70091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=70091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}