{"id":73718,"date":"2020-10-02T07:35:51","date_gmt":"2020-10-02T05:35:51","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=73718"},"modified":"2020-10-02T07:35:51","modified_gmt":"2020-10-02T05:35:51","slug":"sawirro-habraaca-hirgalinta-heshiiska-siyaasadeed-ee-hagaya-doorashada-2020-2021-ee-heer-federaal","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=73718","title":{"rendered":"Sawirro: Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020\/2021 ee heer Federaal"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020\/2 Muqdisho, 1 October 2020<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020\/2021<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Mabaadi\u2019da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020\/21<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go\u2019aamiyeen in Doorashada 2020\/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii\u2019da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi\u2019da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go\u2019aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Qaab-dhismeedka Guddiga<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda\/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go\u2019aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020\/2021:<\/strong><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go\u2019aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Guddigu waa inuu go\u2019aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go\u2019aanka la qaato.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go\u2019aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go\u2019aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Xilalka &amp; Waajibaadka:<\/strong><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go\u2019aamiyo arrimaha soo socda:<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Guddigu wuxuu ka mas\u2019uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go\u2019aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ;<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go\u2019aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Guddigu waxa uu go\u2019aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go\u2019aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go\u2019aan wadar ogol ah;<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">4. Muranka lagu diido go\u2019aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo\/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">5. Go\u2019aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go\u2019aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go\u2019aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay\u2019ad kale oo sharci ah.<\/div>\n<\/div>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-73719\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j.jpg\" alt=\"\" width=\"689\" height=\"459\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 689px) 100vw, 689px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-73720\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1.jpg\" alt=\"\" width=\"687\" height=\"458\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 687px) 100vw, 687px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-73721\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2.jpg\" alt=\"\" width=\"689\" height=\"484\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2-300x211.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2-768x539.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2-292x205.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/3j2-638x448.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 689px) 100vw, 689px\" \/><\/a><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020\/2 Muqdisho, 1 October 2020 Hannaanka Madaxabanaan ee&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":73719,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-73718","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1295,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/73718","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=73718"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/73718\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":73722,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/73718\/revisions\/73722"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/73719"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=73718"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=73718"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=73718"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}