{"id":75561,"date":"2020-12-15T18:01:53","date_gmt":"2020-12-15T17:01:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=75561"},"modified":"2020-12-15T18:03:23","modified_gmt":"2020-12-15T17:03:23","slug":"akhriso-beesha-caalamka-oo-ku-baaqay-in-xal-laga-gaaro-muranka-ka-taagan-hirgelinta-doorashada","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=75561","title":{"rendered":"Akhriso Beesha Caalamka oo ku baaqay in xal laga gaaro muranka ka taagan hirgelinta doorashada"},"content":{"rendered":"<p>15 Dec 2020 (Puntlandes)\u00a0\u00a0Beesha Caalamka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa waxay ku baaqeen baahida loo qabo inay kulmaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyagoo walaac ka muujiyay is afgaran waaga hadda ka taagan hirgelinta doorashooyinka 2021.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-75562\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a.jpg\" alt=\"\" width=\"523\" height=\"356\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a-300x204.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a-292x199.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3r6a-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 523px) 100vw, 523px\" \/><\/a><\/p>\n<p>\u201cIn la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hannaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro\u201dayaa lagu yiri bayaanka.<\/p>\n<p>Waxaa ay ku baaqeen is afgaran waaga taagan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiska siyaasadeed ee la gaaray 17 bishii September iyo hab maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka\u201dayaa lagu yiri War saxaafadeedka..<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran<\/strong><\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Hase ahaatee,\u00a0saaxiibada Soomaaliya ee\u00a0beesha\u00a0caalamka\u00a0* waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin\u00a0isafgaranwaaga hadda ka taagan\u00a0hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020\/21. Waxaa sidoo kale\u00a0loo baahanyahay\u00a0wadahadal iyo heshiis dheeri\u00a0ah\u00a0sida\u00a0loo xaqiijin doono\u00a0qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Isafgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii\u00a0bishii\u00a0Sebtembar iyo hab-maamuusyada\u00a0hirgelinta ee ay\u00a0wada saxiixdeen\u00a0madaxda Dowladda\u00a0Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii\u00a0bishii\u00a0Oktoobar. <strong>In la billaabo hannaan is barbar socda ama\u00a0in\u00a0la\u00a0isku qasbo\u00a0guddiyada\u00a0maareynta\u00a0doorashada\u00a0ee lagu muransan yahay ee\u00a0aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada\u00a0hanaanka\u00a0doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.<\/strong><\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Sidaa darteed,\u00a0waxaan mar\u00a0kale\u00a0ku celinaynaa baaqii\u00a0aan u jeedineyno madaxda\u00a0Dowladda\u00a0Federaalka iyo\u00a0DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna\u00a0la xiriiraan\u00a0saamilleyda\u00a0kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo\u00a0isafgarad\u00a0wadar ogol ku dhisan\u00a0si\u00a0ay dhacdo\u00a0doorasho waqtigeeda\u00a0ku dhacda, daah furnaan,\u00a0oo kalsooni\u00a0lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka\u00a0Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka.\u00a0Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra\u2019iisul\u00a0Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero\u00a0kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada\u00a0Muqdisho ka dib booqashooyinka uu\u00a0hadda\u00a0ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer\u00a0Federaal iyo heer\u00a0Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka\u00a0taagan xubnaha ay ka\u00a0kooban yihiin\u00a0si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo\u00a0niyad sami\u00a0oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa\u00a0sido kale\u00a0muhiim noqon doona.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee\u00a0madaxda\u00a0Federaalka iyo\u00a0kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka\u00a0niyad samida ah ee\u00a0Dhuusomareeb ee\u00a0isu\u00a0tanaasulka\u00a0ah\u00a0ay gacan ka geysan\u00a0doonto in howlaha doorashada\u00a0ay ku\u00a0sii\u00a0socdaan\u00a0wadada saxda ah.\u00a0In\u00a0kulamada noocan ah ee\u00a0madaxda laga dhigo kuwo habaysan\u00a0waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada\u00a0ismariwaaga\u00a0siyaasadeed ee daba dheeraaday. Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay\u00a0xusuustaan ballanqaadyadii\u00a0lagu\u00a0sameeyay\u00a0Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya\u00a0Xayndaabka Isla-xisaabtanka\u00a0Labada Dinac ee\u00a02021 ee\u00a0lagu ballanqaaday\u00a0hannaan\u00a0doorasho oo\u00a0nabadgelyo\u00a0ah oo\u00a0ku saleysan wadahadalka\u00a0hadda\u00a0socda, iyo\u00a0in la\u00a0dejiyo\u00a0qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo\u00a0kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Toddobaadyada soo socda, waxaan\u00a0ku hanweynahay\u00a0inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo\u00a0Dowlad Goboleedyada\u00a0Xubnaha ka ah si loo hormariyo go\u2019aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay\u00a0Madasha Iskaashiga Soomaaliya\u00a0ee\u00a0u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada\u00a0ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka\u00a0tubta doorashooyinka\u00a02024\/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha\u00a0dhisidda ciidamada\u00a0ee la qorsheeyay\u00a0in la qabto bisha\u00a0Janaayo 2021.<\/p>\n<p class=\"m7513206151611689859xmsonospacing\">Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal\u00a0kasta\u00a0ama fal kasta oo\u00a0abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.<\/p>\n<p>*\u00a0<i>Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.<\/i><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>15 Dec 2020 (Puntlandes)\u00a0\u00a0Beesha Caalamka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa waxay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":75562,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-75561","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1122,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75561","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=75561"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75561\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":75564,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75561\/revisions\/75564"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/75562"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=75561"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=75561"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=75561"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}