{"id":75771,"date":"2020-12-24T11:05:52","date_gmt":"2020-12-24T10:05:52","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=75771"},"modified":"2020-12-24T11:05:52","modified_gmt":"2020-12-24T10:05:52","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-saxiixay-xeer-dib-u-dhigaya-ansixinta-wax-ka-beddelka-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=75771","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xeer dib u dhigaya Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka"},"content":{"rendered":"<p>24 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah, maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad,\u00a0<span id=\"more-7194\"><\/span>ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3e1a3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-75772\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3e1a3.jpg\" alt=\"\" width=\"275\" height=\"183\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3e1a3.jpg 275w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/3e1a3-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 275px) 100vw, 275px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweynaha oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.<\/p>\n<p>\u201cIyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.\u201d<\/p>\n<p>Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi\u2019iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>24 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":75772,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-75771","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1357,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75771","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=75771"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75771\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":75773,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/75771\/revisions\/75773"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/75772"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=75771"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=75771"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=75771"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}