{"id":76952,"date":"2021-02-04T11:48:30","date_gmt":"2021-02-04T10:48:30","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=76952"},"modified":"2021-02-04T11:48:30","modified_gmt":"2021-02-04T10:48:30","slug":"madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-oo-sheegay-in-is-faham-laga-gaaray-xulida-xildhibaanada-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=76952","title":{"rendered":"Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in is faham laga gaaray xulida Xildhibaanada Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>04 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu shirka si habsami leh uu u socdo,ayna jiraan qodobo is-faham laga gaaray.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-76953\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"463\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b.jpg 696w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b-292x194.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b-638x424.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3w7b-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Cali Ciid ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland ay dhinacyada is-faham ka gaareen.<br \/>\n\u201cQodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin,\u201d ayuu yiri madaxwayna kuxigeenka Galmudug.<\/p>\n<p>Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Soomaaliland ay ku lug leeyihiin gudoomiyaha aqalka sare iyo rai\u2019sul wasaara ku xigeenka.<\/p>\n<p>\u201d Waxaan kuu sheegi karaa oo kali ah in arrinta Soomaaliland meel fiican ay mareyso oo Isfahan u dhawdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen rais\u2019sul wasaara ku xigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sarana-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan\u201d, ayuu yiri Mr Ciid.<\/p>\n<p>Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale sheegay in qodobada kale ee uu muranka ka taagnaa ay wali socdaan wadaxaajoodyada.<\/p>\n<p>Mr Ciid ayaa xusay in arrinta gudiga dooradshada iyo qodobka gobolka Gedo ay imika madaxda ka wadahadlayaan.<\/p>\n<p>\u201cQodobada kale wali waa lagu wada jiraan oo ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga tataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa, markaa ilaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaasi u socdaa\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid sheegay in qodobka guddiga doorashada ay muuqato in intii hore la isaga soo dhawaaday.<\/p>\n<p>\u201d Sida muuqata aad ayay isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada\u201d, ayuu yiri Mr Ciid.<\/p>\n<p>Waxaa uu dhanka kale sheegay Mr Ciid in qodobka gobolka Gedo lagu wado in maanta ay madaxda guda galaan.<\/p>\n<p>\u201d Qodobkaas wali lama guda galin, waxaana la guda galayaa maanta oo si fiican loo falanqeynayaa\u201d, ayuu inta ku daray.<\/p>\n<p>Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa rejo ka muujiyay shirka madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda fedaraalka uga socda magalada Dhuusamareeb.<\/p>\n<p>Shirka magaalada Dhuusamareeb aya ku soo beegmaya xilli ay muudo xileedka madaxwayne Farmaajo ka harsan tahay maalmo kooban.<\/p>\n<p>Shirka Dhuusamareeb ayaa ah kii afaraad oo magaaladaasi lagu qabto islamarkana looga wadaxaajoonayo arrimaha doorashada.<\/p>\n<p>Xigasho;BBC<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>04 Feb 2021 (Puntlandes) Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in illaa iyo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":76953,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-76952","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1194,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/76952","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=76952"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/76952\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":76954,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/76952\/revisions\/76954"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/76953"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=76952"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=76952"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=76952"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}