{"id":77123,"date":"2021-02-17T09:20:15","date_gmt":"2021-02-17T08:20:15","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=77123"},"modified":"2021-02-17T09:20:15","modified_gmt":"2021-02-17T08:20:15","slug":"akhriso-war-murtiyeedka-laga-soo-saaray-shirka-guddiga-farsamada-ee-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=77123","title":{"rendered":"Akhriso War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka Guddiga Farsamada ee Baydhabo"},"content":{"rendered":"<p>17 Feb 2021 (Puntlandes)\u00a0\u00a0Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shirayay Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-77124\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"522\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4.jpg 696w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3b4-638x479.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka aqriso war-murtiyeedka.<\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\">\u00a0G<b>UDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHADA FEDERAALKA:\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"p1\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"p1\"><b>War-Saxaafadeed<\/b><\/p>\n<p class=\"p1\">\n<p class=\"p1\">Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi\u2019da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya.<span class=\"apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">\n<p class=\"p1\">Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan:<span class=\"apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">\n<p class=\"p1\">Cabashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay\u2019adaha Amniga.<\/p>\n<p class=\"p1\">Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.<\/p>\n<p class=\"p1\">Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.<\/p>\n<p class=\"p1\">Adkaynta Qoondada Haweenka<\/p>\n<p class=\"p1\">Jadwalka qabsoomidda doorashada<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p class=\"p1\">Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan.<span class=\"apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>17 Feb 2021 (Puntlandes)\u00a0\u00a0Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":77124,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-77123","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1352,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77123","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=77123"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77123\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":77125,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77123\/revisions\/77125"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/77124"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=77123"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=77123"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=77123"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}