{"id":77175,"date":"2021-02-20T19:43:43","date_gmt":"2021-02-20T18:43:43","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=77175"},"modified":"2021-02-20T19:43:43","modified_gmt":"2021-02-20T18:43:43","slug":"musharax-c-kariin-guuleed-albaabka-musharaxnimada-farmaajo-shalay-ayuu-soo-xirmay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=77175","title":{"rendered":"Musharax C\/kariin Guuleed \u201cAlBaabka musharaxnimada Farmaajo shalay ayuu soo xirmay\u201d"},"content":{"rendered":"<p>20 Feb 2021 (Puntlandes)\u00a0Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta kana mid ahaa musharaxiintii shalay lagu rasaaseeyay iyagoo horkacaya dad banaanbaxayay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha xilligiisii dhamaaday<span id=\"more-12643\"><\/span>\u00a0Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu yahay dambiile farahiisa dhiig ku dhex jiraan uuna musharax ka noqon karin doorashada dalka.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-77177\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8.jpg\" alt=\"\" width=\"697\" height=\"487\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8.jpg 1954w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8-300x210.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8-768x537.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8-1024x716.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8-292x204.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/3e8-638x446.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 697px) 100vw, 697px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Shir jaraa\u2019id oo ay maanta qabteen musharaxiinta isbiirsaday ayaa waxaa uu Musharax Guuleed ka sheegay in uu Farmaajo ka baxay xayndaabka dowladnimada uuna yahay dambiile.<\/p>\n<p>\u201cBaabka musharaxnimadiisii Farmaajo shalay ayuu soo xirey maadaama uu noqday qof faldambiyeed ku dhex jira, qof fal dambiyeed galay ma jiro sabab uu madax ku noqdo amaba uu dadka ku sii maamulo.\u201dayuu yiri Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed.<\/p>\n<p>Sidoo kale Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa ka hadlay rasaastii lagu ridey shalay dad banaanbaxayay oo ay horkacayeen qaar ka mid ah musharaxiinta.<\/p>\n<p>\u201cDurbaanka dagaal ee uu Farmaajo garaacay shalay iyo habeen hore haddii aan la garaaci laheyn dalka maanta dagaal sokeeye ayuu dalku aadi lahaa, laakiin garashadeena iyo masuuliyadeena ayaan oga leexanay isagana diidnay wadadaasi qaldan.\u201d<\/p>\n<p>Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in Madaxweynihii xilka ka dhamaaday uu go\u2019aansaday in uu kursiga ku sii fadhiyo amaba dalka dagaal sokeeye uu geliyo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inaysan indhaha ka fiirsan xaalada dalka Soomaaliya uu ku jiro waxana uu ku celiyay go\u2019aanka Midowga Musharaxiinta ee ah in ay banaanbaxyada sii wadi doonaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>20 Feb 2021 (Puntlandes)\u00a0Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta kana mid&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":77177,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-77175","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1090,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77175","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=77175"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77175\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":77178,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/77175\/revisions\/77178"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/77177"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=77175"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=77175"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=77175"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}