{"id":79139,"date":"2021-05-24T22:37:20","date_gmt":"2021-05-24T20:37:20","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=79139"},"modified":"2021-05-24T22:37:20","modified_gmt":"2021-05-24T20:37:20","slug":"mareykanka-oo-ku-dhowaaqay-xayiraado-ka-dhan-ah-ethiopia","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=79139","title":{"rendered":"Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah Ethiopia"},"content":{"rendered":"<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas\u2019uul ka yihiin qalalaasaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhinacyada ku lugta leh \u201cma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,\u201d ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Eritrea iyo Ethiopia ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii aysan qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani\u2019aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia.\u00a0<\/span><span class=\"s1\">Waxa uu intaas ku daray in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaaran ee kaalmada ee saaran Eritrea.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Midowga Yurub ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeeray dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas\u2019uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la\u2019aan loo marsiiyo gargaarka bani\u2019aadamnimada.<\/span><\/p>\n<p><strong>VOA<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":79140,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-79139","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1161,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/79139","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=79139"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/79139\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":79141,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/79139\/revisions\/79141"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/79140"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=79139"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=79139"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=79139"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}