{"id":81781,"date":"2021-08-07T20:26:59","date_gmt":"2021-08-07T18:26:59","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=81781"},"modified":"2021-08-07T20:28:39","modified_gmt":"2021-08-07T18:28:39","slug":"farmaajo-oo-wareegto-kaga-xayiray-heyadaha-dowladda-heshiisyada-iyo-is-afgaradyada-xilliga-doorashada","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=81781","title":{"rendered":"Farmaajo oo wareegto kaga xayiray hey\u2019adaha dowladda heshiisyada iyo is-afgaradyada xilliga doorashada"},"content":{"rendered":"<p>07 Aug 2021 (Puntlandes)\u00a0Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo\u00a0 ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay\u2019adaha Dowladda Federaalku ay galaan heshiis ama is af-garad ah.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-81782\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3.jpg\" alt=\"\" width=\"533\" height=\"355\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3.jpg 1760w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-1024x682.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/3l3-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 533px) 100vw, 533px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Wareegto madaxweyne ayuu Farmaajo ku joojiyey heshiis kasta\u00a0oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka, <strong>hoos ka akhrisi Wareegtada:<\/strong><\/p>\n<p>Muqdisho, Ogoosto 07, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay\u2019adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay\u2019adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:<\/p>\n<p>1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay\u2019adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.<br \/>\n3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.<br \/>\n4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.<br \/>\n5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay\u2019adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.<\/p>\n<p>DHAMMAAD<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>07 Aug 2021 (Puntlandes)\u00a0Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo\u00a0 ayaa Xeer Madaxweyne&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":81782,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-81781","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1115,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/81781","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=81781"}],"version-history":[{"count":4,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/81781\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":81786,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/81781\/revisions\/81786"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/81782"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=81781"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=81781"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=81781"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}