{"id":82947,"date":"2021-09-06T07:55:49","date_gmt":"2021-09-06T05:55:49","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=82947"},"modified":"2021-09-06T07:59:13","modified_gmt":"2021-09-06T05:59:13","slug":"raiisul-wasaare-rooble-oo-xilka-ka-qaaday-fahad-yaasiin-iyo-agaasime-cusub-magacaabay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=82947","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Fahad Yaasiin iyo Agaasime cusub magacaabay"},"content":{"rendered":"<p class=\"p1\">06 Sept 2021 (Puntlandes)\u00a0Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay\u2019adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-82952\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3.jpg\" alt=\"\" width=\"597\" height=\"336\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3.jpg 1280w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-300x169.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-768x432.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-1024x576.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-292x164.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-638x359.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa3-400x225.jpg 400w\" sizes=\"auto, (max-width: 597px) 100vw, 597px\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"p1\">Ra\u2019iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0\u00a0<\/span>\u201cBashiir Goobe\u201d. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe.<\/p>\n<p class=\"p1\">Rooble ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu shaq ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.<\/p>\n<p class=\"p1\">mada dhex-dhexaad ka noqdaan siyaasadda, wuxuuna sheegay in Fahad u uku milmay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.<\/p>\n<p class=\"p1\">Rooble ayaa dhanka kale xusay warqaddii uu Fahad soo saaray habeenkii Isniinti ee uu ka madax-adeegay amarkii ra\u2019iisul wasaaraha ee ahaa<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span>inuu warbixin buuxda uga soo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, muddo 48-saac gudaheed ah.<\/p>\n<p class=\"p1\">Warqadaas ayuu Fahad kaga dalbaday Rooble in la fariisiyo Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrinta Ikraan, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen amar-diido Fahad ugu sheegay Ra\u2019iisul Wasaaraha inaanu warbixin siin doonin.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">Golaha Amniga Qaranka waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.<\/p>\n<p class=\"p1\">Muddada 48-saac ah ee uu Rooble u qabtay Fahad inuu ku keeno warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa ay ku ekeyd qiyaastii 7:00pm ee xilliga Muqdisho.<\/p>\n<p class=\"p2\">Dadka fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ayaa si kastaba rumeysnaa in Rooble aysan aheyn inuu xilligaas sugo, maadaama warqaddii uu Fahad u diray Rooble ay ku macneeyeen mid uu si toos ah ugula baratamay awoodaha ra\u2019iisul wasaaraha.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p>Dhinaca kale,\u00a0<span class=\"s1\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa faray xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kamaay inuu baaris rasmi ah ku sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.<\/span><\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso warqadda uu Rooble shaqo joojin ugu sameeyey Fahad Yaasiin:<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-82948\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa.jpg\" alt=\"\" width=\"681\" height=\"1000\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa.jpg 654w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa-204x300.jpg 204w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa-292x429.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa-638x937.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 681px) 100vw, 681px\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-82949\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1.jpg\" alt=\"\" width=\"680\" height=\"1007\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1.jpg 648w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1-203x300.jpg 203w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1-292x433.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2esa1-638x945.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 680px) 100vw, 680px\" \/><\/a><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>06 Sept 2021 (Puntlandes)\u00a0Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":82952,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-82947","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1074,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/82947","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=82947"}],"version-history":[{"count":4,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/82947\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":82957,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/82947\/revisions\/82957"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/82952"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=82947"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=82947"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=82947"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}