{"id":83527,"date":"2021-09-15T12:58:27","date_gmt":"2021-09-15T10:58:27","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=83527"},"modified":"2021-09-15T12:58:27","modified_gmt":"2021-09-15T10:58:27","slug":"icg-siyaasiyiinta-soomaaliya-waxay-mar-kale-ku-ciyaaraan-dab","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=83527","title":{"rendered":"ICG; \u201cSiyaasiyiinta Soomaaliya Waxay Mar Kale Ku Ciyaaraan Dab\u201d"},"content":{"rendered":"<p>15 Sept 2021 (Puntlandes) Hay\u2019ada International Crisi Group ayaa digniin ka soo saartay xaalada siyaasadda ee ka jirta dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisa inay isku dayaan in xil ka qaadis ku sameeyaan Ra\u2019iisul Wasaare Rooble.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-83023\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2.jpg\" alt=\"\" width=\"711\" height=\"400\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2.jpg 1920w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-300x169.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-768x432.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-1024x576.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-292x164.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-638x359.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2b2-400x225.jpg 400w\" sizes=\"auto, (max-width: 711px) 100vw, 711px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Warbixin ay soo saartay hay\u2019ada ayaa waxaa ay ugaga hadashay marxaladihii uu soo maray khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo Ra\u2019iisul Wasaare Rooble.<\/p>\n<p>\u201cDadka qaar ayaa ka welwelsan in madaxweynuhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado mooshinka xil ka qaadista Rooble. Tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble waxay noqon doontaa mid aad loogu murmo, marka la eego doorkiisa dhexe ee diyaarinta doorashooyinka.\u201dayaa lagu yiri warbixinta.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda ayaa shaki gelisay sharci ahaanshaha haddii Farmaajo uu qaado tallaabo uu golaha shacabka xilka uga qaadayo Rooble.<\/p>\n<p>\u201cDadka qaar ayaa ku doodaya in tallaabada noocan oo kale ah ay sidoo kale noqon doonto mid sharci ahaan shaki ku jiro marka la eego in muddadii baarlamaanku ay dhammaatay December 2020. Intaa waxaa dheer, wakiilada cusub ee aqalka hoose weli lama dooran, xitaa iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la soo xulay ay kuraastooda qaateen.\u201d<\/p>\n<p>Hay\u2019adda ayaa warbixinteeda ku xustay in Ra\u2019iisul Wasaare Rooble uu haatan awood u leeyahay maamulka maaliyadda dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cRooble ayaa caddeeyay inuu gacanta ku hayo maaliyadda dowladda, isagoo caddeeyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan \u2013 tallaabadaas oo qasab ku ah inay ka careysiiso dhinaca Farmaajo.\u201d<\/p>\n<p>Hay\u2019adda ayaa warbixinteeda sidoo kale ku sheegtay in loo baahan yahay in cunaqabatayn lagu soo rogo madaxda khilaafka mas\u2019uulka ka ah, sidoo kale hay\u2019ada ayaa waxaa ay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>15 Sept 2021 (Puntlandes) Hay\u2019ada International Crisi Group ayaa digniin ka soo saartay xaalada siyaasadda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":83023,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-83527","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1123,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/83527","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=83527"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/83527\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":83529,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/83527\/revisions\/83529"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/83023"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=83527"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=83527"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=83527"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}