{"id":84870,"date":"2021-10-31T12:44:30","date_gmt":"2021-10-31T11:44:30","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=84870"},"modified":"2021-10-31T12:44:30","modified_gmt":"2021-10-31T11:44:30","slug":"guddiga-xallinta-khilaafkaadka-doorashooyinka-oo-ka-horyimid-habraaca-doorashada-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=84870","title":{"rendered":"Guddiga xallinta khilaafkaadka doorashooyinka oo ka horyimid habraaca doorashada Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>31 Okt 2021 (Puntlandes) Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war kasoo saaray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan bilaabaneysa, gaar ahaan mida gobollada waqooyi ee Somaliland.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-82867\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13.jpeg\" alt=\"\" width=\"479\" height=\"441\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13.jpeg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13-300x276.jpeg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13-768x706.jpeg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13-60x55.jpeg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13-292x269.jpeg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/2eo13-638x587.jpeg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 479px) 100vw, 479px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Ugu horreyn guddiga ayaa ka horyimid habraaca ay shalay si wadajir u soo saareen ra\u2019iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan kuraasta gobollada waqooyi.<\/p>\n<p>Guddigu wuxuu sheegay in qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee habraacan uu ka hor imaanayo mas\u2019uuliyadda loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka ee ah inay iyaga go\u2019aan kama dambeys ka gaaraan cabashada ka dhalata doorashooyinka, halka habraaca lagu sheegay inay xallin doonaan wixii tabasho ah guddoonka sare ee doorashada Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka.<\/p>\n<p>\u201cHabraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee gobollada waqooyi (Somaliland) ee soo baxay tr: 30\/10\/2021, qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee u qoran sidatan (wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxa xallin doona oo go\u2019aan kama dambeys ah ka gaaraya guddoonka sare ee doorashooyinka Somaliland). Wuxuu caddeynayaa in qodobkan uu si toos ah uga hor imaanayo mas\u2019uuliyaadka loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka dabadan 2020,2021,\u201d ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka.<\/p>\n<p>Qoraalka guddiga oo maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in marwalba la dhowro heshiiska ay doorashada ka gaareen golaha wada-tashiga qaran.<\/p>\n<p>\u201dGuddiga xallinta khilaafaaadka doorashada wuxuu xasuusinaynaa guddiyada maamulaya doorashooyinka heer dawlad goboleed (SEIT) iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal (FET) in ay dhawraan dhamaan heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan war-murtiyeedkii shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista ergooyinka doorashada iyo qodobkiisa saddexaad ee hindisaha daahfurnaanta doorashada 2021\u2033 ayaa markale lagu yiri qoraalka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee doorashada kuraasta Somaliland inay saxaan khaladaadka ku jira habraaca doorashada golaha shacabka gobolada waqooyi, siiba qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad.<\/p>\n<div class=\"mdsnweyjqb mdsnweyjqb-post-inline mdsnweyjqb-align-center mdsnweyjqb-align-center mdsnweyjqb-column-1 mdsnweyjqb-clearfix no-bg-box-model\">\n<div id=\"mdsnweyjqb-31596-1020149660\" class=\"mdsnweyjqb-container mdsnweyjqb-type-code \" data-adid=\"31596\" data-type=\"code\">\n<div>\n<p>Hoos ka akhriso qoraalka:<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-84871\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9.jpg\" alt=\"\" width=\"681\" height=\"865\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9.jpg 720w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9-236x300.jpg 236w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9-292x371.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/2df9-638x810.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 681px) 100vw, 681px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>31 Okt 2021 (Puntlandes) Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war kasoo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":82867,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-84870","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1295,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/84870","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=84870"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/84870\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":84872,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/84870\/revisions\/84872"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/82867"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=84870"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=84870"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=84870"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}