{"id":85599,"date":"2021-11-24T21:22:49","date_gmt":"2021-11-24T20:22:49","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=85599"},"modified":"2021-11-24T21:22:49","modified_gmt":"2021-11-24T20:22:49","slug":"rooble-oo-faray-guddiyada-maamulka-doorashooyinka-ee-puntland-jubaland-iyo-hirshabelle-in-ay-si-dhaqso-ah-u-bilaabaan-qabashada-doorashooyinka-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=85599","title":{"rendered":"Rooble oo faray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka"},"content":{"rendered":"<p>24 Nov 2021 (Puntlandes) Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya waxa uu bogaadinaayaa Guddiyada Doorashooyinka heer Federal , Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-85357\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13.jpg\" alt=\"\" width=\"545\" height=\"363\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13.jpg 2048w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-1024x682.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-292x194.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2bh13-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 545px) 100vw, 545px\" \/><\/a><br \/>\nRa\u2019iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.<\/p>\n<p>Dhanka kale Ra\u2019iisul Wasaaraha waxa uu farayaa guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.<\/p>\n<p>Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra\u2019iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas\u2019uuliyad iyo taxadar dheeri ah.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.<br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>24 Nov 2021 (Puntlandes) Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya waxa uu bogaadinaayaa Guddiyada Doorashooyinka heer&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":85357,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-85599","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1336,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/85599","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=85599"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/85599\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":85600,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/85599\/revisions\/85600"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/85357"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=85599"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=85599"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=85599"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}