{"id":86326,"date":"2022-01-15T20:05:07","date_gmt":"2022-01-15T19:05:07","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=86326"},"modified":"2022-01-15T20:05:07","modified_gmt":"2022-01-15T19:05:07","slug":"dfs-oo-qoraal-kasoo-saartay-duqeymaha-ka-dhaca-gedo-iyo-jubooyinka","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=86326","title":{"rendered":"DFS oo qoraal kasoo saartay duqeymaha ka dhaca Gedo iyo Jubooyinka"},"content":{"rendered":"<p>15 Jan 2022 (Puntlandes)\u00a0Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-86328\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"645\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4.jpg 800w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4-300x242.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4-768x619.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4-292x235.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dr4-638x514.jpg 638w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay inay ka xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.<\/p>\n<p>Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed, waan mahadsanyihiin saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga iyo horumarka ay hiigsaneyso,\u201d ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ciidamada Kenya ayaa marna duqeeya marna toos u guba xarumaha shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo oo xuduud la leh Kenya iyo qaar ka mid ah xarumaha shirkadaas ee gobollada Jubbada Hoose.<\/p>\n<p>Kooxda Alshabaab oo weerarro ka geysata gudaha Kenya ayaa ayaduna beegsata oo marar badan gubtay xarumaha shirkada Safaricom oo Kenya laga leeyahay, balse lama\u00a0 ilaa hadda sababta ka dambeysa waxa loo beegsado xarumaha shirkadahaas.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda difaaca<\/strong><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-86327\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5.jpg\" alt=\"\" width=\"654\" height=\"654\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5.jpg 526w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5-150x150.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5-300x300.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5-50x50.jpg 50w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5-292x292.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/2dq5-55x55.jpg 55w\" sizes=\"auto, (max-width: 654px) 100vw, 654px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>15 Jan 2022 (Puntlandes)\u00a0Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":86328,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-86326","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1019,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/86326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=86326"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/86326\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":86329,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/86326\/revisions\/86329"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/86328"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=86326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=86326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=86326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}