{"id":88683,"date":"2022-04-21T00:18:37","date_gmt":"2022-04-20T22:18:37","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=88683"},"modified":"2022-04-21T00:18:37","modified_gmt":"2022-04-20T22:18:37","slug":"axmed-karaash-oo-sheegay-inuu-xilka-madaxweynaha-dawladda-puntland-uu-si-kmg-ah-ula-wareegay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=88683","title":{"rendered":"Axmed Karaash oo sheegay inuu xilka madaxweynaha dawladda Puntland uu si KMG ah ula wareegay"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">20 April 2022 (Puntlandes)\u00a0Qoraal uu soo saaray madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayuu ku sheegay inuu dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee madaxweynaha dawladda Puntland ay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery columns-1 is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\"><ul class=\"blocks-gallery-grid\"><li class=\"blocks-gallery-item\"><figure><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"960\" height=\"640\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5.jpg\" alt=\"\" data-id=\"88349\" data-full-url=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5.jpg\" data-link=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?attachment_id=88349\" class=\"wp-image-88349\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5.jpg 960w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/2an2b5-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/a><\/figure><\/li><\/ul><\/figure>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Karaash:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">BAYAAMIN IYO WARGALIN.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay\u2019adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Farqadda 2-aad: Dhammaan hay\u2019adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. \u201cMa jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed\u201d<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qodobka 81-aad. \u201cFarqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201c Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin\u201d<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la\u2019aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxaan farayaa dhammaan Hay\u2019adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Wabillaahi Towfiiq.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">=DHAMMAAD=<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>20 April 2022 (Puntlandes)\u00a0Qoraal uu soo saaray madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":88349,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-88683","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1240,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/88683","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=88683"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/88683\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":88684,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/88683\/revisions\/88684"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/88349"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=88683"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=88683"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=88683"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}