{"id":89755,"date":"2022-05-28T13:38:18","date_gmt":"2022-05-28T11:38:18","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=89755"},"modified":"2022-05-28T13:38:18","modified_gmt":"2022-05-28T11:38:18","slug":"muuqaal-culimada-somaliland-oo-bayaan-ka-soo-saaray-khilaafka-siyaasadeed-ee-ka-taagan-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=89755","title":{"rendered":"Muuqaal: Culimada Somaliland oo bayaan ka soo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">28 May 2022 (Puntlandes)&nbsp;Culimada Somaliland ayaa bayaan ka sooo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery columns-1 is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\"><ul class=\"blocks-gallery-grid\"><li class=\"blocks-gallery-item\"><figure><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"768\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-1024x768.jpg\" alt=\"\" data-id=\"89756\" data-full-url=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f.jpg\" data-link=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?attachment_id=89756\" class=\"wp-image-89756\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-1024x768.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-300x225.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-768x576.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-342x256.jpg 342w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-150x113.jpg 150w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-269x201.jpg 269w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-292x219.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f-638x479.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/2ao5f.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure><\/li><\/ul><\/figure>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hoos ka akhriso ama ka daawo baaqa Culumada<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle &#8211; korreeye &#8211; uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga \u2013scw- ( \u200f \u0645\u0627 \u0645\u0646 \u0639\u0628\u062f \u062a\u0631\u0643 \u0634\u064a\u0626\u0627\u064b \u0644\u0644\u0647 \u0625\u0644\u0627 \u0623\u0628\u062f\u0644\u0647 \u0627\u0644\u0644\u0647 \u0628\u0647 \u0645\u0627 \u0647\u0648 \u062e\u064a\u0631 \u0645\u0646\u0647 \u0645\u0646 \u062d\u064a\u062b \u0644\u0627 \u064a\u062d\u062a\u0633\u0628<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4. Waxa aannu madaxda mucaaridka ugu baaqaynnaa in ay kicinta bulshada joojiyaan samatalisnimada iyo dulqaadkana fursad siiyaan, si nabad ahna rabitaankooda ku raadsaan, oo aanay xaaladdan xakiran uga sii darin.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5. Shacabka waxa aannu ku waaninaynaa nabadgelyadaa ina wada deeqdee aynnu si wadajir ah u wada ilaashanno, ogaadana in aanay cidina colaadda iyo rabshadaha ku faa&#8217;iidaynnin, belaayadu marka hore way qurux badantahay, marka ay dhacdana way foolxumaataa, inta aanay dhicin aynnu ka wada hortagno.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6. Waxa aannu si gaar ah ugu naseexaynaynaa qurba joogta in ay bulshadan tabaalaysan u tudhaan oo aanay qabyaalad iyo isku dir ka shaqeynnin, taa beddelkeedana dadaalkooda geliyaan sidii ummaddan wadajirkeeda iyo walaaltinnamadeeda loo xoojin lahaa, waxaannu ku boorrinaynnaa in ay xasilloonida iyo is fahamka bulshada ka qayb qaataan oo aanay kala fogeyntooda ku lugyeelannin.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">7. Warbaahinta waxa aannu xasuusinaynnaa in ay ku dadaalaan in ay faafiyaan wixii bulshadan walaaltinnimadeeda iyo isu soo dhowaanteeda xoojinaya, oo aanay wixii sii kala qaybinaya soo gudbinnin, qaybna ka noqonnin isku dirkeeda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">8. Culimadu waxa ay caddeynayaan in ay ka shaqeyn doonaan xallinta khilaafka taagan iyo isu soo dhoweynta xisbiyada iyo xukuumadda, iyaga oo kaashanaya, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan waxgaradka kale ee daneynaya in ay hawshan ka qayb qaataan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">9. Waxa aannu culimo ahaan codsanaynnaa mar haddii wixii qorraa lagu heshiin kari waayey in dhexdhexaadintayada la aqbalo, annaga oo khilaafka ku xallin doonna sida sharciga Alle nooga muuqata, maslaxadda guudna danta u ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">10. Ugu danbeyn waxa aannu Ilaahay ka baryeynnaa in uu abaarta roob iyo barwaaqo inoogu beddelo, cudurrada, sicir bararka iyo khilaafka oo dhan innaga dulqaado, nabadgelyada inoo xoojiyo, isfahanka iyo isu dulqaadashadana ina waafajiyo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Magacyada Culimada:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1. Sh. Maxamed Cali Geeddi<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Awcabdi<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3. Sh. Maxamed Aadan Muxumed<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4. Sh. Cismaan Cali Xuseen<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5. Sh. Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6. Sh. Maxamed Madar<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">7. Sh. Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">8. Sh. Cabdilaahi Makaawi<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">9. Sh. Maxamed. Cabdiraxmaan (Deeq)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">10. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">11. Dr. Khadar Xasan Axmed<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">12. Dr. Cabdirahmaan Ismaaciil (Khayre)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">13. Sh. Maxamed Cabdi Carab<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">14. Sh. Daahir Aadan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">15. Sh. Ibraahim Axmed Xirsi<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">16. Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">17. Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">18. Sh. Maxamed Daahir<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">19. Sh. Yaasiin Macalin Xuseen<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">20. Sh. Mubaarak Muuse.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">21. Sh. Cabdiraxmaan Cumar Cigaal<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Cige<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">23. Sh. Maxamed Haybe<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">24. Sheekh maxamed axmed food<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-embed is-type-rich is-provider-embed-handler wp-block-embed-embed-handler wp-embed-aspect-16-9 wp-has-aspect-ratio\"><div class=\"wp-block-embed__wrapper\">\n<iframe loading=\"lazy\" title=\"Culimada Somaliland oo bayaan ka soo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland\" width=\"640\" height=\"360\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/XO58KFGeM5A?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe>\n<\/div><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>28 May 2022 (Puntlandes)&nbsp;Culimada Somaliland ayaa bayaan ka sooo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":89756,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-89755","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1344,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/89755","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=89755"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/89755\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":89761,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/89755\/revisions\/89761"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/89756"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=89755"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=89755"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=89755"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}