{"id":90200,"date":"2022-06-12T14:29:00","date_gmt":"2022-06-12T12:29:00","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=90200"},"modified":"2022-06-12T14:29:00","modified_gmt":"2022-06-12T12:29:00","slug":"akhriso-war-murtiyeedka-kasoo-baxay-shirka-golaha-wadatashiga-qaran","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=90200","title":{"rendered":"Akhriso war-murtiyeedka kasoo baxay shirka golaha wadatashiga Qaran"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">12 June 2022 (Puntlandes) Shirkii golaha wadatashiga Qaran ee shalay ka bilowday Villa Somalia ayaa waxa maanta laga soo saaray war-murtiyeed.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery columns-1 is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\"><ul class=\"blocks-gallery-grid\"><li class=\"blocks-gallery-item\"><figure><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"682\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-1024x682.jpg\" alt=\"\" data-id=\"90183\" data-full-url=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1.jpg\" data-link=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?attachment_id=90183\" class=\"wp-image-90183\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-1024x682.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-1536x1023.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-292x194.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/2ao10b1.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure><\/li><\/ul><\/figure>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Shirka ayaa waxa diiradda lagu qodobada:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1-Dhamaystirka dhismaha dawladnimada Soomaaliya<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2-Xaaladda abaaraha<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhamaystirka dhismaha dawladnimada Soomaaliya ayaa goluhu wuxuu isku raacay in Qabyo-tir iyo dhamaystir Dastuurka lagu sameeyo, in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada, in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda, in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho, in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka iyo dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Muqdisho 12 Juun 2022<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">HORDHAC<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra\u2019isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Iyadoo laga anbaqaadayo hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa \u201cSoomaali heshiis ah\u201d ayaa ujeeddada ugu wayn ee shirka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka wada shaqaynta iyo wadatashiga oo ay ku dheehan tahay niyad wanaag, kalsooni iyo is-aaminaad. Wuxuu Goluhu isla meel dhigay arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 \u2013 2026.\u2028\u2028Goluhu waxay ugu horeyntii u hambalyeeyeen Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxayna Alle uga baryeen inuu waajibaadka qaran u fududeeyo. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go\u2019naansho dhab ah. Sidoo kale Goluhu waxay balanqaadeen inay si niyad-sami ku jirto ula shaqeynayaan Madaxweynaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">I. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">II. XAALADDA ABAARAHA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">&#8212;- DHAMAAD &#8212;-<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>12 June 2022 (Puntlandes) Shirkii golaha wadatashiga Qaran ee shalay ka bilowday Villa Somalia ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":90188,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-90200","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1254,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90200","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=90200"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90200\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":90201,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90200\/revisions\/90201"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/90188"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=90200"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=90200"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=90200"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}