{"id":90826,"date":"2022-07-05T19:17:48","date_gmt":"2022-07-05T17:17:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=90826"},"modified":"2022-07-05T19:17:48","modified_gmt":"2022-07-05T17:17:48","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-goaan-ka-gaaray-wada-hadal-lala-galo-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=90826","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo go\u2019aan ka gaaray wada-hadal lala galo Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">05 July 2022 (Puntlandes)\u00a0Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Alshabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Alshabaab.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-gallery columns-1 is-cropped wp-block-gallery-1 is-layout-flex wp-block-gallery-is-layout-flex\"><ul class=\"blocks-gallery-grid\"><li class=\"blocks-gallery-item\"><figure><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-1024x683.jpg\" alt=\"\" data-id=\"90827\" data-full-url=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1.jpg\" data-link=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?attachment_id=90827\" class=\"wp-image-90827\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/2aa1a1.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure><\/li><\/ul><\/figure>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidoo kale waxa uu madaxweynaha tilmaamay in ugu dambeynta dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Alshabaab oo ku xoogan gudaha Soomaaliya, si khilaafka lagu dhameeyo si nabdoon.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cDowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Alshabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,\u201d ayuu yiri madaxweynaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Alshabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay\u2019addo dowli ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Alshabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Alshabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay\u2019adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, ayada oo kooxdu hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Alshabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Alshabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>05 July 2022 (Puntlandes)\u00a0Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay sheegay inaysan xilligan Soomaaliya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":90827,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-90826","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1157,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90826","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=90826"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90826\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":90828,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/90826\/revisions\/90828"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/90827"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=90826"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=90826"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=90826"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}