{"id":93790,"date":"2022-10-31T17:59:59","date_gmt":"2022-10-31T16:59:59","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=93790"},"modified":"2022-10-31T18:38:06","modified_gmt":"2022-10-31T17:38:06","slug":"sawirro-muuqaal-war-muriyeedka-shirka-dowladda-federaalka-ah-ee-soomaaliya-dowladaha-xubnaha-ka-ah-dfs-gobolka-banaadir","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=93790","title":{"rendered":"Sawirro-Muuqaal: War-muriyeedka Shirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah DFS &#038; Gobolka Banaadir"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">31 Okt\u00a02022 (Puntlandes)\u00a0Shirkii u socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta kusoo gabagaboobay Muqdisho, waxaana laga soo saaray War-muriyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taas oo ah ku darsi.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">WAR-MURTIYEED<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">27-31 October 2022<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Muqdisho \u2013 Soomaaliya<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">HORDHAC<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 27-31 October 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra\u2019iisul Wasaare K\/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii argagixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">BOGAADIN<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022 Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaalada kala duwan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas\u2019uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2.GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay\u2019adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>\u2022In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka<\/strong>.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go\u2019aamada Golaha.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u2022Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Dhammaad<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-embed is-type-rich is-provider-embed-handler wp-block-embed-embed-handler wp-embed-aspect-16-9 wp-has-aspect-ratio\"><div class=\"wp-block-embed__wrapper\">\n<iframe loading=\"lazy\" title=\"Okt 2022: War-muriyeedka Shirka DFS, Dowladaha xubnaha ka ah DFS &amp; Gobolka Banadir\" width=\"640\" height=\"360\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/4Nhto0GQg4o?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe>\n<\/div><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large is-resized\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-93791\" width=\"740\" height=\"493\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 740px) 100vw, 740px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large is-resized\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-93792\" width=\"742\" height=\"495\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d1.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 742px) 100vw, 742px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large is-resized\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-93793\" width=\"742\" height=\"495\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/1aa2d2.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 742px) 100vw, 742px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>31 Okt\u00a02022 (Puntlandes)\u00a0Shirkii u socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah DFS&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":93791,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-93790","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1193,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93790","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=93790"}],"version-history":[{"count":2,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93790\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":93796,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93790\/revisions\/93796"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/93791"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=93790"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=93790"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=93790"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}