{"id":93999,"date":"2022-11-08T21:11:46","date_gmt":"2022-11-08T20:11:46","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=93999"},"modified":"2022-11-08T21:20:24","modified_gmt":"2022-11-08T20:20:24","slug":"sawirro-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-khudbad-ka-jeediyay-shirka-caalamiga-ah-ee-isbeddelka-cimilada-adduunka-cop27","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=93999","title":{"rendered":"Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27)"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">08 Nov 2022 (Puntlandes)&nbsp;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani\u2019aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><a><\/a>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cSannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani&#8217;aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cSoomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini\u2019aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba\u2019an kuwaas oo baabi\u2019iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go\u2019antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa\u2019iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani\u2019aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-embed is-type-rich is-provider-embed-handler wp-block-embed-embed-handler wp-embed-aspect-16-9 wp-has-aspect-ratio\"><div class=\"wp-block-embed__wrapper\">\n<iframe loading=\"lazy\" title=\"MD Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27)\" width=\"640\" height=\"360\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/myEJxBub9O0?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe>\n<\/div><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-94002\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-94000\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m1.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"683\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-1024x683.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-94001\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-1024x683.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-1536x1024.jpg 1536w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-638x425.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2-60x40.jpg 60w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2022\/11\/1aa1m2.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/a><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>08 Nov 2022 (Puntlandes)&nbsp;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":94000,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-93999","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1036,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93999","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=93999"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93999\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":94010,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/93999\/revisions\/94010"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/94000"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=93999"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=93999"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=93999"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}