{"id":96311,"date":"2023-01-30T17:36:01","date_gmt":"2023-01-30T16:36:01","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=96311"},"modified":"2023-01-30T17:36:03","modified_gmt":"2023-01-30T16:36:03","slug":"muuqaal-xil-mahdi-guled-oo-golaha-shacabka-ka-dhex-sheegay-in-somaliland-ay-tahay-dal-madax-bannaan","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=96311","title":{"rendered":"Muuqaal: Xil Mahdi Guled oo Golaha Shacabka ka dhex sheegay in Somaliland ay tahay dal madax bannaan"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">30 Jan 2023 (Puntlandes)\u00a0Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Mahdi Guled oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay\u2019adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ulana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cHaddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowladda dhexe.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guled u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cMarka waddamada dariska ah waan wada eegnay Somaliland-na ay ku jirto,\u201d ayuu markale yiri xildhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">\u201cXildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,\u201d ayuu yiri guddoonka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Si kastaba, Mahdi Guuleed ma\u2019aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-embed is-type-rich is-provider-embed-handler wp-block-embed-embed-handler wp-embed-aspect-16-9 wp-has-aspect-ratio\"><div class=\"wp-block-embed__wrapper\">\n<iframe loading=\"lazy\" title=\"Xil Mahdi Guled oo Somaliland Golaha Shacabka dhexdiisa uga sheeday inay tahay dal madaxbanaan\" width=\"640\" height=\"360\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/JTWo3OnL_Rg?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe>\n<\/div><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>30 Jan 2023 (Puntlandes)\u00a0Ra\u2019iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ahna haatan xildhibaan ka tirsan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":96312,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-96311","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1254,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/96311","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=96311"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/96311\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":96314,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/96311\/revisions\/96314"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/96312"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=96311"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=96311"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=96311"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}