{"id":97587,"date":"2023-04-13T12:46:52","date_gmt":"2023-04-13T10:46:52","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=97587"},"modified":"2023-04-13T12:46:52","modified_gmt":"2023-04-13T10:46:52","slug":"puntland-oo-todobaad-ka-dib-sheegtey-in-ay-og-tahay-cidda-ka-danbaysay-weerarkii-shirkadda-al-macruuf-ee-bosaso","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=97587","title":{"rendered":"Puntland oo todobaad ka dib sheegtey in ay og tahay cidda ka danbaysay weerarkii shirkadda Al-Macruuf ee Bosaso"},"content":{"rendered":"\n<p class=\"wp-block-paragraph\">13 Apr 2023 (Puntlandes) Maamulka amadaxweyne Siciid Deni ee Puntland oo todobaad ka dib sheegtey in ay og yihiin cidda ka danbaysay weerarkii shirkadda Al-Macruuf ee xarunta ganacsuga Puntland ee Bosaso.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Sidaas waxaa waxsaxaafaeed ay soo saareen ku sheegay Gudidga Amniga Gobolka Bari, iyagoona soo saaro amaro ay dul dhigeen ganacsatada Bosaso kuwaas oo shaqadii dawladda la faray inay iyagu qabsadaan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><strong>Hoos ka akhriso qodobada ka soo baxay Gudidga Amniga Gobolka Bari:<\/strong><\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">1. Guddiga Amniga marka hore wuxuu ka tacsiyeynayaa, xanuunka la<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">qaybsaneynaa qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee ku shahiiday falkii<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\"><a><\/a>Boosaso taariikhdu markey ahayd 5<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">th April, 2023, sidoo kale waxaan xanuunka la<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">qaybsaneynaa guud ahaan ganacsatada gaar ahaan maamulka, mulkiilayaasha<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">iyo shaqaalaha Shirkadda ganacsiga Al-macruuf oo argagixisadu ay xoolahoodii<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">gubtay falkaas oo ahaa fal ku cusub deegaanada Puntland laguna banaystay<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">dhiiga iyo maalka Muwaadiniin Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">2. Guddiga Amniga Dawladda Puntland wuxuu dardargalin iyo xoojin amino ka<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">3. Hay\u00e1daha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">dhaqsaha badan.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">4. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay\u2019addaha amniga<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">5. Gudsiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">6. Guddiga Amnigu wuxuu ogaysiinayaa Shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">danabaysan (electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">muwaadiniinta u furayaa lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">argagixisada.<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">7. Hay\u2019adaha Amniga Puntland waxay diyaar u yihiin iney si dhow u la shaqeeyaan<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">shacabka, kana qaataan wixii xog amni ah ay soo gudbiyaan, shacabka waxaa<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">laga codsanayaa iney kor u qaadaan heerka feejignaanta, xiriirka iyo<\/p>\n\n\n\n<p class=\"wp-block-paragraph\">wadashaqaynta ay la leeyihiin Hay\u2019addaha amniga Puntland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>13 Apr 2023 (Puntlandes) Maamulka amadaxweyne Siciid Deni ee Puntland oo todobaad ka dib sheegtey&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":97489,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-97587","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1371,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/97587","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=97587"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/97587\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":97588,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/97587\/revisions\/97588"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/97489"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=97587"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=97587"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=97587"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}