Muuqaal: Wasiir Juxa“Juxa wuxuu noqon doonaa Geed abaareed aan midabkiisu isbadalin Guga iyo Jiilaalka “
05 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha dawladda Puntlanf Cabdi Faarax Juxaa ayaa maanta xilkii ku wareejiyey wasiiraka cusub ee wasaaradda Cabdi Hirsi Cali Qarjab.
“Waxaan noqon doonaa oday Soomaaliyeed oo aan beddelin aragtidiisa, waxaan noqon doonaa nin utaagan wixii uu u taagnaan jiray oo ah qadiyad, aragti, cod iyo wixii meeshaan (Puntland) lagu aasaasay iyo danta ay tahay in la ilaaliyo” Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Juxaa