Muuqaal: Gudiga doorashooyinka DFS oo kudhawaaqay in 28 april KG kaqabanayaan doorashooyinka deegaanka & Xildhibaanada Baarlamaanka
06 April 2026 (Puntlandes.com) DFS oo ku dhawaaqday in 28 bishaan Koonfur galbeed laga qabanayo doorashooyinka golaha deegaanka iyo tan xildhibaannada dhexe.
Talaabadaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo DFS ay dhawaan xoog ugala wareegtay Koonfur Galbeed dawladdii ka talinaysay ee uu madaxda ka ahaa Candicasiis Laftagareen una soo magacawday Hogaamiye.
Cabdikariim Axmed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka maamulka Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay Koonfur Galbeed doorashadeed ka dib ay doorasho la mid ah ka qaban doonaan Hirshabeelle iyo Galmudug.