Sawirro: Maamulka cusub ee Gobolka Mudug oo xilka kala wareegay maamulkii hore

1a1a2-2

06 April 2026 (Puntlandes.com) Waxaa maanta xarunta Maamulka Gobolka Mudug lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taasoo ay xilka kula wareegayeen maamulka cusub ee gobolka.

‎Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, madaxda heer gobol iyo degmo, isu-duwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee gobolka Cabdifatax Samatar Ciise, saraakiil ciidan, xildhibaannada golayaasha deegaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood muujiyey muhiimadda ay leedahay isbeddelka hoggaanka iyo sii wadista horumarka gobolka.

‎Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, Mudane Fu’ad Abshir Ader, ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade), iyo guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle. Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka hore dadaalkii ay ku bixiyeen xasillinta, horumarinta, iyo dib-u-habaynta maamulka gobolka, isagoo sidoo kale u rajeeyey maamulka cusub in ay sii xoojiyaan adeegyada bulshada iyo amniga.

‎Dhanka kale, guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee gobolka Mudug, Mudane Mohamed Hasan Hussein Wallore, ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee cusub, Mudane Mukhtaar Cabdikariin Cilmi. Sidoo kale, waxaa xilka la wareegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee cusub, Mudane Cabdiqaadir Warsame Koshin.

‎Masuuliyiintii xilalka wareejiyey ayaa hadallo ay ka jeediyeen munaasabadda ku muujiyey in ay ku faraxsan yihiin in xilalka si nabad ah oo hufan loo kala wareejiyo, iyagoo ku boorriyey maamulka cusub in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, iyo xoojinta nabadda.

‎Maamulka Cusub, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha, kalsoonida uu ku aaminay xilalka. Waxay sidoo kale u mahadceliyeen bulshada reer Puntland taageeradooda joogtada ah, iyagoo ballanqaaday in ay dardargelin doonaan howlaha maamulka, isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan bulshada iyo hay’adaha kala duwan si loo gaaro horumar muuqda.

‎Ugu dambeyn, munaasabadda xil-wareejinta ayaa ku soo idlaatay jawi degan oo rajo leh, iyadoo la isla qaatay muhiimadda wada-shaqeynta iyo sii wadista dadaallada lagu horumarinayo gobolka Mudug.

About The Author