Sawirro: Wasiirka cusub ee Beeraha Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo xilka la wareegay

1a1a12-2

07 April 2026 (Puntlandes.com) Waxaa maanta xilka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland si rasmi ah ula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux, Wasiir-ku Xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiiru- Dawlaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Siciid Maxamed Awaare Masuuliyintan Ayaa Xilka kala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaarada beeraha Maxamed Cabdulqaadir Donyaale .

Ugu horayntii Agaasimaha Guud Cabdixakiin Maxamed Cismaan ayaa ka war bixiyey wax-Wasaaradda iyo wixii u qabsoomay.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdulqaadir (Donyaale) ayaa dhankiisa ka warbixiyay waxqabadkii u qabsomay Mudadii labadii sano ahayd uu Hogaaminayey Wasaarada .

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa Dhamaan shaqaalaha Wasaarada uga mahadceliyey soo dhowaynta Balaaran ay u sameeyeen.

Intaas kadib Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland oo ay wehelinayaan wasiir kuxigeenka, wasiiru dawlaha Wasaarada iyo wasiirkii hore ee Wasaarada ayaa kormeerey qaybaha kale ee Waraarada iyaga oo halkaas kula kala waregay Gadiidka Wasaarada Xafisyada iyo agabka kala duwan ee wasaaraadda.

About The Author