Muuqaal: Hadaljeedintii MD Deni oo kulan mahadcelin & boggaadin ah laqaatay Saraakiisha Ciidanka Puntland kana hadlay inuu Xasan Sheekh doonayo burburinta..

1a1b1

07 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kulan mahadcelin iyo boggaadin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee Hawlgalka Calmiskaad oo hadda gebogebo maraya.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada la wadaagay boggaadin ku saabsan isbedelka Amni ee wanaagsan ee ay horseedeen iyo in ay marwalbo diyaar u noqdaan difaaca dhulka, dadka iyo Dowladnimada Puntland.

“Sheekh Cali Wajiis ayaan dhageystay oo qaraabo la ah Xasan Sheekh wuxuu taageersan yahay in gobol gobol Puntland loo kala jarjaro aragtidaas waa tan uu qabo MW laakiin dalkaan waxaan heshiis lagu aheyn kama shaqeenaayo” MD Saciid Deni.

About The Author